Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa wada dabagal iyo baaritaan ku saabsan weerarkii ka dhacay Degmada Aseko, Aaga Arsi ee Deegaanka Oromiya, maalmihii Ginbot 23 iyo 24, 2018 T.I. Ilaa iyo markii la soo saaray war-saxaafadeedkan, xogta iyo caddaymaha ay EHRC ku ururisay joogitaanka goobta, marqaatiyaasha goobjoogayaasha ah, dhibanayaasha, qoysaska dhibanayaasha iyo hay’adaha dowladda ee ay khusayso, waxay xaqiijiyeen in weerarka ay geysatay kooxda hubaysan ee isku magacawda “Ciidanka Xoreynta Oromada”, balse inta badan loo yaqaano “OLF Shane”, lagu dilay xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowladda iyo dad rayid ah, isla markaana uu sababay barakaca dadka deegaanka, burbur hantiyeed iyo gubid.

Sida ay EHRC ku xaqiijisay geedi socodka baaritaankeeda, laga soo bilaabo Ginbot 22, 2018 T.I., markii dhaqdhaqaaqyo ciidamo hubaysan lagu arkay aagga tuulada (Kebele) Delete Chafa ee Degmada Aseko, ayaa maleeshiyaadka deegaanka iyo xubnaha bilayska la-dagaalanka fallaagada ee Oromiya la geeyay goobta, taas oo sababtay in isku dhac uu dhexmaro kooxda hubaysan ee loo yaqaano “OLF Shane” iyo ciidamada ammaanka ee halkaas la geeyay. Isku dhacan ka dib, weerar ay kooxda hubaysan ku qaadday dadka deegaanka ayaa waxaa ku dhintay guud ahaan saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo kala ah Hailu Nigussie iyo Semu Abayneh oo ahaa dad haysta diinta Masiixiga oo ka carari waayay aagga, iyo sidoo kale Bato Sefeno oo ahaa qof haysta diinta Islaamka oo xoolo ku ilaalinayay goobtaas.

Intaa waxaa dheer, EHRC waxay xaqiijisay in la gubay guryo aan tiradooda la garanayn, lna gubay Kaniisadda ah ee Gebriel ee Teleta; in dhaawac la gaarsiiyay derbiga Masjidka Sheekh Mustafa ee Biyo Butule; in xatooyo iyo dhac is-daba joog ah loo geystay Xarunta Caafimaadka Delete Chafa, guryaha dadka deegaanka iyo dukaamada ganacsiga, iyo sidoo kale in ka badan 2,650 qof oo ka mid ah dadka deegaanka ay barakaceen.

Waxaa xusid mudan in EHRC ay marar kala duwan ku baaqday in taxadar habboon la sameeyo si looga hortago in weeraradii ay kooxaha hubaysan ka geysteen degmooyinka Shirka, Aseko, Anqolo Wabe, Guna iyo Merti ee Aaga Arsi aysan dib u dhicin, isla markaana in lala xisaabtamo dadkii geystay weerarada. Iyadoo dowladda ay tahay in ay garwaaqsato walaaca laga qabo soo noqnoqoshada weerarada ceynkan oo kale ah iyo xadgudubyada xuquuqda insaanka ee ka dhacaya aagga, waa in ay dardargeliso dadaalada ay ka bilowday deegaanada la weeraray iyadoo si degdeg ah u geyneysa ciidamada ammaanka ee dowladda, isla markaana ay qaadato mas’uuliyadda soo celinta nabadda iyo amniga si dadka deegaanka ay dib ugu noqdaan nolol xasilloon. Sidaas si la mid ah, EHRC waxay ku baaqaysaa in dowladda iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay siiyaan gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah dadka barakacayaasha ah ee guryahooda uga cararay weeraradan dartood, iyo in la fududeeyo xaaladaha u oggolaanaya barakacayaasha inay guryahooda ku noqdaan oo dib u dejin waarta loo sameeyo. Dhanka kale, iyadoo EHRC ay shaacisay inay soo saari doonto warbixin baaritaan oo faahfaahsan oo ku saabsan arrintan; waxay sidoo kale ugu baaqaysaa dhammaan hay’adaha iyo shakhsiyaadka inay ka waantoobaan eedeymaha iyo kicinada la sameeyo iyadoo aan si habboon loo xaqiijin weerarada dhacay, maadaama ay u badan tahay inay huriyaan isku dhacyo hor leh.

Madaxa Komishineerka EHRC, Birhanu Adelo, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray muwaadiniinta, isagoo xusay in xadgudubyada xuquuqda insaanka ee loo geystay dadka rayidka ah ay yihiin kuwo walaac leh. Waxa uu intaas ku daray in dowladda looga baahan yahay inay sii waddo tallaabooyinka ay qaadday si xaaladda loo dejiyo laguna xaqiijiyo isla xisaabtanka; in mar kasta, goobaha uu ka jiro khatar amni la geeyo ciidamo ammaan oo ku filan oo laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa weerarada la midka ah si aan khatar loo gelin xaqa noolaanshaha, bedqabka jirka, iyo xuquuqda hantida ee dadka deegaanka. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaan habboon, xaqiijinta isla xisaabtanka iyo qaadista tallaabooyin lagu magdhabayo laguna baxnaaninayo dhibanayaasha, iyo in dhammaan dhinacyada, marka laga soo tago canbaareynta dhibaatooyinka la abuuray, ay ka fogaadaan hadalada iyo ficilada kicinaya isku dhacyada.