Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay madal lagu kobcinayo wacyiga fuliyeyaasha isku-darka haweenka iyo arrimaha bulshada ee hay’adaha tacliinta sare, taas oo ku saabsan qabashada iyo maaraynta cabashooyinka xadgudubyada ku salaysan jinsiga, taariikhdu marka ay ahayd Juun 19, 2018 T.I. Madasha waxaa ka soo qayb galay fuliyeyaasha isku-darka haweenka iyo arrimaha bulshada ee hay’adaha tacliinta sare ee ka kala yimid deegaanada Addis Ababa, Axmaara, Bartamaha Itoobiya, Oromiya, Koonfurta iyo Tigray.

Madasha dhexdeeda, waxaa lagu soo bandhigay oo laga dooday qoraallo hordhac ah oo ku saabsan xadgudubyada ku salaysan jinsiga, xuquuqda aadanaha ee haweenka, iyo sidoo kale mabaadi’da qabashada iyo maaraynta cabashooyinka ee xasaasiga ku ah arrimaha jinsiga. Intaas waxaa dheer, ka qaybgalayaashu waxay isdhaafsadeen khibrado iyo fikrado iyagoo qiimeynaya habraacyada loo dajiyay ka hortagga iyo wax ka qabashada xadgudubyada ku salaysan jinsiga ee ka dhaca jaamacadahooda, nidaamyada taageerada dhibbanayaasha iyo gudbinta (referral), iyo sidoo kale habraacyada la fuliyo si loo xaqiijiyo la-xisaabtanka iyo caddaaladda; iyagoo eegaya khibradaha wanaagsan, daldaloolada u baahan hagaajin, iyo tillaabooyinka la doonayo in la qaado mustaqbalka.

Ka qaybgalayaashu waxay la wadaageen caqabadaha ay kala kulmaan geeddi-socodka ka hortagga iyo bixinta jawaabaha ku habboon ee xadgudubyada ku salaysan jinsiga ee ka dhaca gudaha jaamacadahooda. Waxaana ka mid ah caqabadahaas: la’aanta siyaasad isku xiran, hage iyo nidaam shaqo; daldaloolo xagga wacyiga ah, ilaalinta sirta oo aan jirin, nidaam qabasho cabasho oo aan caddayn lana gaari karin; iyo sidoo kale geeddi-socodka helitaanka caddaaladda ee dhibbanayaasha oo ah mid daal badan, waqti dheer qaata oo ay ku badan tahay dhibaataynta. Sidoo kale, xaddidaadaha dhinaca maaraynta xogta, nidaamka gudbinta (Referral), adeegyada taageerada nafsadeed iyo adeegsiga teknoolojiyadda, iyo wada-shaqaynta daneeyayaasha ay khusayso oo daciif ah ayaa lagu tilmaamay inay yihiin caqabado.

Guddoomiyaha Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta ee EHRC, Ashenefech Abebe, ayaa xustay in si looga hortago xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee haween badan lagula kaco meelo kala duwan oo ay ku jiraan dugsiyada, ay muhiim tahay in la abuuro jawi waxbarasho oo xor ah isla markaana ammaan ah; waxayna carrabka ku adkaysay in waaxaha shaqada ee arrimaha jinsiga ee laga aasaasay hay’adaha tacliinta sare ay door weyn ku leeyihiin dhowrista xuquuqda ardayda gabdhaha ah iyo xaqiijinta la-xisaabtanka.