Warbixintu waxay muujinaysaa horumarada togan ee la diwaan geliyay iyo arrimaha weli walaaca leh oo ay la socdaan talo-soo-jeedino, iyadoo ku salaysan xogta iyo caddaymaha uu EHRC ku soo ururiyay kormeerka iyo baadhista xuquuqda insaanka ee uu sameeyay muddadii warbixinta
Dowladda waa inay samayso baaritaan habboon, xaqiijiso isla xisaabtanka, islamarkaana qaaddo tillaabooyin lagu magdhabayo laguna baxnaaninayo dhibanayaasha
Magacaabista Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Guddoomiyayaasha Waaxaha Xuquuqda Aadanaha, waxa u dheer xaqiijinta sii socoshada hoggaanka iyo isbeddel shaqo oo habsami leh, waxay sii xoojinaysaa awoodda uu Guddigu u leeyahay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa shaqo
Si xal loogu helo dilalka, dhaawacyada, burburka hantida iyo barakaca dadka loogu geysanayo deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Arsi ee Deegaanka Oromada, dawladaha Federaalka iyo kan Deegaanka Oromadu waa inay qaadaan talaabooyin degdeg ah, la taaban karo oo waara, oo ay ku jiraan geynta ciidamo ammaan oo ku filan gobolka iyo xaqiijinta isla xisaabtanka