Wafdi ka socda Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC), oo uu hoggaaminayo Dr. Mizanie Abate, oo ah La-taliyaha Istaraatiijiyadeed ee Guddoomiyaha Guud, ayaa booqasho isweydaarsi istaraatiijiyadeed ku tagay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Insaanka Kenya (KNCHR) ee magaalada Nairobi intii u dhaxaysay Febraayo 17-20, 2026. Booqashadan isweydaarsiga ah ayaa kulmisay saraakiil sarsare iyo khubaro farsamo oo ka socday labada hay’adood, si ay u yeeshaan wadahadal habaysan oo ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga hay’adaha iyo fududaynta is-barashada dhiggyada ee u dhexaysa labada Hay’adood ee Qaranka ee Xuquuqda Insaanka (NHRIs) ee leh heerka ‘A-status’.

Kulankan oo qaatay afar maalmood ayaa bixiyay madal qiimo leh oo lagu wadaago hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee la xiriira waajibaadka asaasiga ah iyo arrimaha soo ifbaxaya ee xuquuqda insaanka. Wadahadalladu waxay diiradda saareen hababka dabagalka iyo hubinta fulinta talooyinka; waddooyinka wax looga qabto xadgudubyada xuquuqda insaanka; iyo doorka hay’adaha NHRIs ee geedi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah (transitional justice). Wafdiga ayaa sidoo kale darsay ka-qaybgalka ku salaysan xuquuqda insaanka inta lagu jiro hannaanka doorashooyinka; ka-qaybgalka Dib-u-eegista Xilliyeedka Caalamiga ah (UPR); iyo hababka qorshaynta istaraatiijiyadeed ee hay’adaha iyo u-diyaargarowga hawlgallada.

Intii ay booqashadu socotay, EHRC waxay iftiimisay dadaallada isbeddelka ballaaran ee ay qaadday lixdii sano ee la soo dhaafay si loo xoojiyo madax-bannaanideeda, gaaritaankeeda, iyo waxtarkeeda. Wafdigu wuxuu tilmaamay dadaallada lagu horumarinayo awoodaha baarista casriga ah (digital) iyo xogaha furan, iyo sidii loo ballaarin lahaa helitaanka hay’adda iyadoo la aas-aasayo xafiisyo goboleedyo cusub, hawlgelinta shakhsiyaad xiriiriye ah goobaha adag in la gaaro, iyo hirgelinta hab-cabasho oo laga isticmaali karo telefoonada gacanta. EHRC ayaa sidoo kale xustay in u doodidda joogtada ah ee heerka sare ah ee ay la yeelato mas’uuliyiinta federaalka iyo deegaanka, iyo sidoo kale wada-shaqeynta ay la leedahay hababka iyo hawl-wadeennada xuquuqda insaanka ee caalamiga ah, ay xoojisay meeqaamkeeda hay’adeed, ayna gacan ka geysatay tallaabooyin muhiim ah oo xukuumaddu ka qaadday arrimaha xuquuqda insaanka. Gaar ahaan, wafdigu wuxuu hoosta ka xarriiqay in Warbixintii Baaritaanka Wadajirka ah ee EHRC-OHCHR ee Colaadda Tigray ay ahayd mid si weyn uga qayb qaadatay qaabeynta meelmarinta Siyaasadda Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah ee Qaranka ee Itoobiya.

Wafdiga ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga mahadcelinayaan hoggaaminta KNCHR ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda insaanka ee Kenya. EHRC waxay muujisay danayn gaar ah oo ku aaddan inay ka barato adeegsiga KNCHR ee galdacwadeedyada loo yaqaan ‘amicus curiae’, kaalmada sharciga, iyo dacwooyinka istaraatiijiyadeed ee danta guud; shaqadeeda la xiriirta ganacsiga iyo xuquuqda insaanka; u doodisteeda ku aaddan ballaarinta adeegsiga tillaabooyinka xarig ka-beddelka ah si loo yareeyo ciriiriga xabsiyada; iyo la-socodkeeda lagu kalsoon yahay ee xuquuqda insaanka xilliyada doorashooyinka ee ay taageeraan nidaamyada casriga ah. Ka sokoow wada-hadalladii ay la yeesheen KNCHR, wafdiga EHRC wuxuu booqday Xafiiska Diiwaanhayaha Xisbiyada Siyaasadda (ORPP) iyo Kooxda Kormeerka Doorashooyinka (ELOG), halkaas oo ay ku heleen warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan waajibaadkooda iyo doorarkooda ku aaddan qaab-dhismeedka doorashooyinka Kenya.

Dr. Misaaniye Abaate La-taliyaha Istaraatiijiyadda ee Guddoomiyaha Guud, EHRC (dhinaca midig)

Booqashadii EHRC ay ku tagtay KNCHR ayaa lagu soo gabagabeeyay labada hay’adood ee NHRIs oo dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay wada-shaqeyn waarta iyo iskaashi xooggan oo laga yeesho arrimaha xuquuqda aadanaha ee ay wadaagaan.