Komishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa magaalada Bishoftu ku qabtay madal lagu ururinayo talooyinka daneeyayaasha ee ku aaddan qorshaha istaraatiijiyadeed ee 2019-2023 maalmihii Ginbot 17 iyo 18, 2018 T.I. Qorshahan ayaa lagu hagi doonaa hay’adda 5-ta sano ee soo socota si komishanku u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadaha lagu siiyay wareegtada. Wakiilo ka socda Booliska Federaalka, Maamulka Asluubta Federaalka, Wasaaradda Difaaca Qaranka, dhammaan maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka ah, iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka qayb galay madashan xog-ururinta ah.






Madasha ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay qiimeynta waxqabadkii qorshihii istaraatiijiyadeed ee la fulinayay shantii sano ee la soo dhaafay iyo qodobada qabyada ah ee qorshaha cusub.




Waxaa si gaar ah carrabka loogu dhuftay in fiiro gaar ah la siin doono dhisidda nidaam hay’adeed oo ku salaysan ka-hortagga xad-gudubyada xuquuqda aadanaha inta aanay dhicin (Preventive-focused). Sidoo kale, waxaa la xusay in mudnaan weyn la siin doono sidii laga dhigi lahaa xiriirka EHRC ay la leedahay dhammaan daneeyayaasha mid sii wax ku ool ah, iyadoo isla markaana la xaqiijinayo ballaarinta helitaanka iyo gaaritaanka hay’adda ee bulshada dhexdeeda.





Gaar ahaan, waxaa la sheegay in la samaynayo dib-u-qaabayn dhinaca qaab-dhismeedka hay’adda ah si ay suurtogal u noqoto in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah iyo kuwa taagan ee maaraynta xuquuqda aadanaha. Waxaa la sharxay in talooyinka laga soo ururiyo madasha ay aad muhiim ugu yihiin in si sax ah loo qaabeeyo jihooyinka uu komishanku diiradda saarayo mustaqbalka si loo gaaro hadafka hay’adda, isagoo la kaashanaya daneeyayaasha.

Waxaa la soo bandhigay fikrado lagu eegayay waxqabadka qorshihii istaraatiijiyadeed ee sanadihii la soo dhaafay ee EHRC, duruufaha caawin kara ama caqabad ku noqon kara hadafkeeda, iyo awoodaha gudaha. Ka qaybgalayaasha dooda ayaa sidoo kale dhiibay fikradahooda ku aadan qodobada ay tahay in EHRC ay diirada saarto 5-ta sano ee soo socota.
Mudane Ewnetu Alene, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiilada Shacabka, ayaa tilmaamay in madashu tahay goob ay EHRC ku soo bandhigtay guulaheedii iyo goldaloolooyinkii shantii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo uu darsay dhinac madax-bannaan; ayna daneeyayaashu bixiyeen talooyin aad u muhiim ah.

Birhanu Adelo, Guddoomiyaha Guud ee EHRC, ayaa xusay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee 5-ta sano ee soo socota uu xudun u yahay nidaamka dhijitaalka ah iyo hannaanka xog is-weydaarsiga degdegga ah, si loo sii xoojiyo awoodda lagu fidinayo, lagu ilaalinayo, laguna dhaqan gelinayo xuquuqda aadanaha. Wuxuuna intaas raaciyay:”Doorka daneeyayaashu waa mid lagama maarmaan u ah guusha qorshaha; talooyinka laga soo ururiyay ka-qaybgalayaasha madashana waxay abuuri doonaan awood weyn oo lagu guuleysto qorshaha.”