Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) oo kaashanaya Madasha Iskaashiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee EHRC iyo xubnaha Koox-hoosaadka Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah; ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay madal dood ah Maarso 15, 2018 T.I., si loo xuso Maalinta Caalamiga ah ee Xaqa Ogaanshaha Xaqiiqada iyo Sharafta Dhibanayaasha Xad-gudubyada Ba’an ee Xuquuqda Insaanka. Doodda ayaa ujeedadeedu ahayd in kor loo qaado wacyiga ay dhinacyada danaynaya ka qabaan arrintan, waxaana ka qaybgalay dhibanayaal, khubaro ku takhasusay caddaaladda ku-meel-gaarka ah, iyo wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah, ururada dhibanayaasha, iyo hay’adaha horumarinta.

Intii lagu guda jiray dooda, waxaa la soo bandhigay faahfaahin laguna lafa-guray si qoto dheer doorka xaqa ogaanshaha xaqiiqada ee geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah, faa’iidada uu u leeyahay xaqiijinta la xisaabtanka iyo dib-u-heshiisiinta; gacan ka geysashada kahortagga soo noqoshada xadgudubyada xuquuqda insaanka, iyo sidoo kale ka-qaybgalka ay tahay in dhibanayaasha iyo qaybaha jilicsan ee bulshada ay ku yeeshaan geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah.

Intaas waxaa dheer, madasha ayaa lagu daawaday filim dukumiintari ah oo cinwaankiisu yahay “Confronting the Truth” (Wajahida Xaqiiqada), kaas oo u adeegay sidii barta bilowga ah ee doodaha dambe ee sahminaya doorka guddiyada xaqiiqo-raadinta, xiriirka ka dhexeeya xaqiiqada, caddaaladda iyo la xisaabtanka, iyo weliba ka qaybgalka dhibanayaasha iyo dadka ka soo kabsaday dhaawaca ee dadaallada xaqiiqo raadinta, iyo arrimo kale.

Ka-qaybgalayaasha doodda ayaa si faahfaahsan u dul istaagay xilka ka saaran dhinacyada kala duwan dhanka raadinta xaqiiqada ee qaab-dhismeedka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee Itoobiya, iyagoo ku baaqay in nidaamka caddaaladda ku-meel-gaarka ah uu noqdo mid daahfuran, jawaab-celin leh, kuna saleysan mabaadi’da xuquuqda aadanaha. Waxay kaloo carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay qaabeynta habab loo dhan yahay oo la iska kaashanayo kuwaas oo ka turjumaya waayo-aragnimada nolosha iyo baahiyaha dhibanayaasha iyo bulshooyinka dhibaatadu saamaysay ee geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah, waxayna hoosta ka xariiqeen in marka lagu daro aqoonsiga khibradahooda, dhibanayaasha ay tahay in si firfircoon looga qaybgeliyo qaabaynta geeddi-socodka caddaaladda.

Madaxa Xafiiska Guddoomiyaha Guud ee EHRC, Kalkidan Dereje, ayaa sheegtay in raadinta/soo saarista xaqiiqada iyo qirashadu ay door aan la bedeli karin ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta; taasoo hubinaysa in waayo-aragnimada dhibanayaasha la aqoonsado, dafiraada laga hortago, isla markaana la horumariyo la-xisaabtanka. Intaas waxaa sii dheer, iyadoo xuseysa in caddaaladda ku-meel-gaarka ah ay dhaafsiisan tahay bixinta jawaabaha sharciga ah ee xadgudubyadii xuquuqda insaanka ee la soo dhaafay, ayna tahay shaqo ku saabsan soo celinta sharafta iyo dhisidda kalsoonida ka dhexaysa bulshooyinka; waxay sheegtay in EHRC ay si adag uga shaqayn doonto sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo doodaha kor u qaadida wacyiga dhibanayaasha iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.