Wajigii koowaad ee Tartanka Sannadlaha ah ee 6aad ee Maxkamadda Dhalanteedka Xuquuqda Insaanka ee Dugsiyada Sare oo uu qabto Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay tartan heer deegaan ah. Tartankan oo ka socday 12 deegaan iyo 2 ismaamul magaalo laga soo bilaabo bishii Tir (Janaayo) 2018 T.I., ayaa waxa ka qaybgalay 182 arday oo ka kala socday 91 dugsi. Ardaydaas kalabar waxay ahaayeen gabdho.





Tartanku wuxuu ku saabsan yahay kiis mala-awaal ah (hypothetical case) oo la xiriira xuquuqda insaanka, kaas oo ardaydu ay ku metelayaan dacwoodaha iyo dacweysanaha, iyagoo samaynaya dood qoran iyo mid af ah. Wuxuu raacayaa nidaamka dooda maxkamadaha caadiga ah, wuxuuna ujeedadiisu tahay in lagu dhiso aqoonta iyo xirfadaha xuquuqda insaanka ee ardayda tartamaysa iyo bulshada dugsiyada dhexdeeda. Tartanka sanadkan wuxuu diiradda saarayaa arrimaha xuquuqda insaanka ee ciwaankeedu yahay “Xaqa Waxbarashada ee Waqtiyada Isku Dhacyada Hubeysan” (The Right to Education in the Context of Armed Conflict).




Ardayda tartamaysa ayaa wajigii koowaad ee tartanka, taas oo ah dhammaystirka qoraalka dooda ee ay diyaariyeen iyagoo metelaya dacwoodaha iyo dacweysanaha, ugu soo gudbay dooda afka ah ee heer deegaan; dooda afka ah ayaa la qabtay Magaabiit 19, 2018 T.I., magaalooyinka iyo ismaamulada magaalooyinka la xushay ee dhammaan deegaanada dalka, iyadoo ay garsoorayaal ka ahaayeen khubaro ku xeeldheer sharciga iyo xuquuqda insaanka.



Tartanka Maxkamadda Dhalanteedka Xuquuqda Insaanka ee Dugsiyada Sare ee heer deegaan waxaa ku guuleystay:
- Addis Ababa: Dugsiga Boodhinka Gabdhaha ee Itege Menen,
- Deegaanka Canfarta: Dugsiyada Sare ee Negew Tesfa iyo Werer,
- Deegaanka Amxaarada: Haile Manas Academy,
- Deegaanka Benishangul-Gumuz: Dugsiga Sare ee Paro,
- Deegaanka Bartamaha Itoobiya: Dugsiga hoyga ah ee heer-sare ee Lich Gogo,
- Ismaamulka Dire Dawa: Dugsiga Sare ee Sabian,
- Deegaanka Gambella: Dugsiga Sare ee Pin Yido,
- Deegaanka Harari: Dugsiga Sare ee Jegnoch,
- Deegaanka Oromia: Hill Tops Academy,
- Deegaanka Sidama: Xarunta Waxbarashada ee BiEnbi,
- Deegaanka Soomaalida: Dugsiga Sare iyo Diyaarinta ee Sheekh Cabdulsalaam,
- Deegaanka Koonfurta Itoobiya: Dugsiga Bulshada ee Jaamacadda Arba Minch,
- Deegaanka Shucuubta Koonfur Galbeed Itoobiya: Dugsiga Abune Teklehaimanot iyo
- Deegaanka Tigray: Dugsiga Sare ee Aksum Alumni.
15-ka dugsi ee guusha ku dhammeystay tartanka, 8-da kooxood ee dhibcaha ugu sarreeya ka keenay dooda qoran ayaa ka qaybgeli doona tartanka heer qaran ee lagu qaban doono magaalada Addis Ababa laga bilaabo 11 ilaa 16ka bisha Miyaaziya 2018 T.I.




Waalidiinta ardayda, xafiisyada waxbarashada ee dhammaan deegaanada iyo ismaamulada magaalooyinka, iyo dhinacyada kale ee ay khusayso ayaa gacan weyn ka geystay in tartanka heer deegaan si guul ah loogu soo gaba-gabeeyo.