Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay dood ku saabsan xorriyadda is-abaabulka taas oo lala yeeshay daneeyayaasha kala duwan taariikhdu markay ahayd Megabit 28, 2018 T.I. Dooddan waxa ka qayb galay wakiilo ka kala socday ururada bulshada rayidka ah, xafiisyada caddaaladda deegaannada, Hay’adda Warbaahinta Itoobiya, Isbahaysiga Ururada Shaqaalaha Itoobiya, Golaha Wadajirka ah ee Xisbiyada Siyaasadda Itoobiya iyo suxufiyiin.

Intii lagu guda jiray dooda, waxaa la soo bandhigay qaab-dhismeedyada sharciga ah ee caalamiga, qaaradda iyo qaranka ee ku saabsan xorriyadda is-abaabulka, iyo waliba natiijooyinkii guddigu (EHRC) ka soo ururiyay kormeeradii uu ku sameeyay magaalada Addis Ababa, iyo deegaannada Axmaarada, Oromada, Sidaama, Soomaalida iyo Tigray, iyadoo laga yeeshay is-dhaafsi fikradeed oo ballaaran.

Qodobbada welwelka weyn laga muujiyay ee dooda lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa wacyiga shaqaalaha ee xuquuqdooda is-abaabulka oo hooseeya, taas oo caqabad ku noqotay in ay is-abaabulaan oo xuquuqdooda dalbadaan; cadaadiska maamul ee kala duwan, oo ay ku jirto shaqo ka cayrin, oo la saaro shaqaalaha dalbada xuquuqdooda; iyo waliba saamaynta taban ee ay ku leeyihiin xayiraadaha la saaro ururada bulshada rayidka ah xorriyadda is-abaabulka iyo guud ahaan madasha bulshada rayidka ah.

Ka qayb galayaasha dooda ayaa carrabka ku adkeeyay in xorriyadda is-abaabulku ay tahay mid ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Itoobiya, isla markaana qof kastaa uu xaq u leeyahay in uu urur u samaysto ujeeddo kasta oo sharci ah. Sidaas darteedna waxaa la isku raacay inay lagama maarmaan tahay in la abuuro qaab-dhismeed sharci iyo mid hawleed oo ku habboon si dhab ahaan loogu fuliyo xuquuqdaas.

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda ee EHRC, Mekdes Amenu, ayaa sheegtay in xorriyadda is-abaabulka ay tahay aasaaska ka-qaybgalka dimuqraadiga ah, sidaas darteedna ay tahay in dawladdu abuurto xaalado suurtageliya xisbiyada siyaasadda, musharaxiinta, cod-bixiyayaasha iyo ururada bulshada rayidka ah inay si xor ah isku abaabulaan oo ay u shaqeeyaan, gaar ahaan xilliyada doorashada. Waxay intaas ku dartay in xaqqa is-abaabulka la xaddidi karo oo kaliya si waafaqsan qodobada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah, marka sharcigu dhigayo, lagama maarmaan tahay, oo ay tahay mid isu-dheelitiran, waxayna sharaxday in dhammaan hay’adaha ay tahay inay si isku-dubbaridan u wada shaqeeyaan si arrintan loo fuliyo.