Tartankii 6-aad ee Maxkamadda Dhalanteedka Xuquuqda Insaanka ee Dugsiyada Sare ee Qaranka (6th National High Schools Human Rights Moot Court Competition) oo uu soo qabanqaabiyay Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa lagu soo gabo-gabeeyay tartan kama dambays ah oo 16-kii Miaziya 2018 T.I. lagu qabtay magaalada Addis Ababa. Tartankan oo ka soo bilowday 23-kii Jannaayo 2018 T.I. heer deegaan iyo heer qaran ayaa waxaa ka qaybgalay 182 arday oo tartamayaal ah, kuwaas oo ka kala socday 91 iskuul oo ku yaalla 12 deegaan iyo 2 ismaamul magaalo.




8 kooxood oo buundooyinka ugu sarreeya ka keenay tartankii maxkamadda dhalanteedka ee heerarka deegaan iyo ismaamul magaalo ayaa yimid magaalada Addis Ababa, iyagoo sameeyay tartanka doodda afka ah ee rubuc-dhamaadka iyo nus-dhamaadka qaran intii u dhaxaysay 12 illaa 16 Miaziya 2018 T.I., kadibna u gudbay tartanka kama dambaysta ah.



Tartanka kama dambaysta ah, Ardayda kala ah Mersen Tefera iyo Bontu Tadesse oo ka socday Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Etege Menen ee magaalada Addis Ababa, iyo ardayda kala ah Yidiya Biruk iyo Annabel Nebiyu oo ka socday Akadeemiyada Haile Manas ee magaalada Debre Birhan ayaa matalayay dacwoodaha iyo la-dacwoodaha, iyagoo halkaas ku sameeyay dooddooda afka ah.
Sidaas darteed:-Ardayda Mersen Tefera iyo Bontu Tadesse oo ka socday Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Etege Menen ee Ismaamulka Magaalada Addis Ababa ayaa noqday guuleystayaashii tartanka kama dambaysta ah. Ardayad Annabel Nebiyu oo ka socotay Akadeemiyada Haile Manas ee magaalada Debre Birhan ayaa ku guuleysatay tartamehii ugu fiicnaa xagga doodda afka. Ardayda Kibron Netsanet iyo Diniya Nasir oo ka socday Akadeemiyada Hill Tops ee magaalada Sheger ayaa ku guuleystay doodda qoraalka ah ee ugu fiican.




Dulucda khayaaliga ah ee tartanka sanadkan ayaa diiradda saaraysay “Xaqa Waxbarashada ee Xilliyada Isku-dhacyada” (The Right to Education in the Context of Armed Conflict), iyadoo salka ku haysay halbeegyada xuquuqda insaanka ee qaaradda iyo caalamka ee khuseeya xaqa waxbarashada, gaar ahaan jiritaanka (availability), la-gaaritaanka (accessibility), la-aqbali-karnimada (acceptability), iyo la-qabsiga (adaptability); mabaadi’da xaqa waxbarashada ee xilliyada isku-dhacyada, iyo waajibaadka asaasiga ah ee dawladda marka laga eego xushmeynta, ilaalinta, iyo fulinta xaqa waxbarashada. Tani waxay ardayda tartamaysay siisay fursad ay ku yeeshaan dood iyo akhris qoto dheer oo ay ku kordhiyaan aqoontooda, iyagoo ka duulaya halbeegyada xuquuqda insaanka ee damaanad qaadaya sii socoshada waxbarashada xilliyada isku dhacyada hubeysan.



Tartanka maxkamadda dhalanteedka ah ayaa waxaa garsoorayay khubaro dhanka sharciga iyo xuquuqda insaanka ah, waxaana uu raacay nidaamka doodaha maxkamadaha caadiga ah; kadib markii ardayda tartamaysay la siiyay sharaxaad ku habboon iyo tababar kooban, waxay sameeyeen dood qoraal iyo af ah iyagoo matalayay dacwoode iyo la-dacwoode kiis khayaali ah oo xuquuqda insaanka ku saabsan (hypothetical case) kaas oo tartanka loo doortay.
Munaasabadda tartankan kama dambaysta ah waxaa kasoo qayb galay madax ka tirsan Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC), mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda oo la casuumay, wakiilo ka socday xafiisyada waxbarashada deegaanada, wakiilo ka socday hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, qoysaska ardayda tartamaysay iyo sidoo kale arday kale.



Ku-xigeenka Madaxa Komishineerka EHRC, Dr. Mizane Abate, ayaa sheegtay in tartamada maxkamadaha dhalanteedka ah ay yihiin mid ka mid ah xeeladaha ay EHRC u adeegsato si kor loogu qaado wacyiga iyo xirfadaha xuquuqda insaanka ee dhalinyarada, loona beddelo aragtidooda. Waxay xustay in xaqiijinta sii socoshada waxbarashada inta lagu jiro isku dhacyada iyo abuurista jiil la wareega mas’uuliyadda dalka ay tahay beddelka ugu wanaagsan ee waddamada looga saari karo wareegga isku dhacyada iyo xadgudubyada xuquuqda insaanka; fariintaasna la gaarsiiyay ardaydii ka qaybgashay wareegyadii kala duwanaa ee tartanka, bulshada dugsiyada, waalidiinta, iyo daneeyayaasha kale.