Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa bishii Ginbot 5, 2018 T.I. magaalada Bahir Dar kulan kula yeeshay daneeyayaasha, kaas oo lagaga hadlayay natiijooyinkii kasoo baxay shaqo kormeer ah oo lagu sameeyay 32 saldhig boolis oo hoos yimaada aagagga iyo maamul magaalooyinka kala duwan ee Deegaanka Axmaarada. Kulanka waxaa ka qaybgalay Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Booliska Deegaanka ahna Taliyaha Waaxda Dembi Baarista; Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Sharciga, Caddaaladda iyo Maamulka ee Golaha Deegaanka; Maxkamadda Sare ee Deegaanka, Xafiiska Caddaaladda, Xafiiska Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale Guddiga Maleeshiyada; Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) xafiiskiisa Bahir Dar; iyo Madaxda iyo wakiillada Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Bahir Dar, iyo sidoo kale madaxda waaxyaha booliska iyo taliyayaasha saldhigyada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay oo lagaga dooday khibradaha wanaagsan ee la ogaaday intii lagu jiray kormeerka, iyo xaaladaha xuquuqda insaanka ee taban ee u baahan in la horumariyo. Dabagalkii iyo u-doodistii ay samaysay EHRC kadib, in xal loo helay 172 qof oo ku kala sugnaa deegaanno kala duwan; in saldhigyada booliska ee ku yaalla aagga Koonfurta Wollo, magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha, in badan oo ka mid ah dadka la xiray maxkamad la horgeeyay 48 saacadood gudahood; in la dajiyay nidaam ay eedeysanayaashu ula kulmi karaan xaasaskooda ama qoysaskooda, qaraabadooda dhow, asxaabtooda, iyo lataliyayaashooda diinta iyo sharciga todobaadka oo dhan; inuu jiro nidaam dembi baaris ah oo salka ku haya qodobbada Xeerka Habka Ciqaabta; iyo in saldhigyada booliska qaarkood ay leeyihiin qolal ku habboon oo lagu hayo eedeysanayaasha ayaa loo soo qaatay in ay yihiin guulo wax ku ool ah.

Dhinaca kale, xarumaha lagu hayo eedeysanayaasha saldhigyada booliska ee aagagga Bahir Dar, Gondar, Waqooyiga Gojjam, iyo Waqooyiga Shewa ee kormeerku daboolay; in dadka la xiro iyada oo aan amar maxkamadeed haysan, laguna horgeynin maxkamad 48 saacadood gudahood; in eedeysanayaasha loo xiray iyadoo lagu marmarsiyoonayo “xaaladaha taagan (Current affairs)” ay xirnaayeen ilaa 7 bilood iyada oo aan maxkamad la horgeyn, taas oo keentay xabsi daba dheeraaday; in ay jirto ciqaab jireed oo loo geysto eedeysanayaasha; in laga xayuubiyay xaqa ay u leeyihiin in la booqdo; in marmarka qaarkood ay jiraan handadaad, hanjabaad, cay, iyo ciqaab jireed oo ay geystaan boolisku; in aysan jirin taageero gaar ah oo la siiyo qaybaha bulshada ee aadka ugu nugul xadgudubyada xuquuqda insaanka; in uusan jirin nidaam isku mid ah oo loo gudbiyo cabashooyinka; in eedeysanayaasha qolalka lagu xiro maalintii oo dhan, ayaa la muujiyay inay yihiin arrimo walaac leh oo u baahan feejignaan iyo in la horumariyo.

Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Booliska Deegaanka ahna Taliyaha Waaxda Dembi Baarista, Ku-xigeenka Taliyaha Tadesse Ayalew ayaa sheegay in natiijooyinka ay soo bandhigtay EHRC ay muujinayaan xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Waxa uu intaas ku daray in shaqada lagu horumarinayo xaaladda xuquuqda insaanka ee eedeysanayaasha ay u baahan tahay taageerada hay’adaha ay khuseyso, wuxuuna xusay in Taliska Guud uu diyaarinayo oo uu hirgelinayo halbeeg (standard) u gaar ah.

Agaasimaha Gobolka ee Waaxda Kormeerka iyo Baarista Xuquuqda Insaanka ee EHRC, Yonas Mulugeta ayaa sheegay in xitaa marka lagu jiro xaaladaha isku dhaca iyo dhibaatooyinka amniga, boolisku ay tahay in uu guto waajibaadkiisa dhawrista sarraynta sharciga iyo ilaalinta qodobbada iyo mabaadi’da xuquuqda insaanka; wuxuuna xaqiijiyay in si loo xaqiijiyo in eedeysanayaasha loola dhaqmo iyadoo la ilaalinayo sharaftooda insaaninimo iyo sidii loo horumarin lahaa xaaladda guud ee xuquuqda insaanka ee deegaanka, in EHRC ay sii xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay daneeyayaasha.