Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) ayaa Sane 18, 2018 T.I. magaalada Addis Ababa ku qabtay madal wadatashi oo heer qaran ah, taas oo lagaga arrinsanayay qorshayaasha, fursadaha wax-ka-qabashada, iyo caqabadaha hortaagan ilaalinta iyo xal u helidda waarta ee dadka gudaha ku barakacay.
Madashan wadatashiga oo lagu soo agaasimay iskaashi lala yeeshay Xoghaynta Xalalka Waara ee Gobolka (Regional Durable Solutions Secretariat – ReDSS), Xiriirka Adduunka ee Lutheran (Lutheran World Federation – LWF) iyo Xarunta Xasaasiyadda Isku-dhacyada Itoobiya (Ethiopia Conflict Sensitivity Hub – ECSH), waxaana ka qaybgalay xubno ka socday Golaha Wakiilada Shacabka, Wasaaradda Nabadda, Guddiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka Itoobiya, mas’uuliyiinta sare ee deegaannada ay khuseyso iyo wakiiladooda, wakiilada dadka gudaha ku barakacay, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo madax ka kala socotay hay’ado caalami ah oo kala duwan oo ka shaqeeya ilaalinta iyo taageeridda dadka gudaha ku barakacay.

Intii ay socotay madashu, Wasaaradda Nabadda ee JDFI iyo Guddiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka Itoobiya ayaa ka qaybgalayaasha siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda hadda ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka gudaha ku barakacay iyo hirgelinta xalalka waara. Waxaa la caddeeyay, maadaama dadka gudaha ku barakacay ay ku sugan yihiin xaalad adag, in Dowladda Federaalka ay saaran tahay mas’uuliyadda in ay la kaashato deegaannada si loo taageero loona dejiyo si waarta muwaadiniinta ka barakacay hal deegaan oo tagay deegaan kale.


Intaas waxaa dheer, madasha gudaheeda waxaa lagu sharxay in kasta oo ay jiraan siyaasado iyo qaab-dhismeed sharci oo u oggolaanaya ka hortagga barakaca iyo wax ka qabashada xaaladaha ka dambeeya barakaca, haddana aan la gaarin natiijadii la rabay sababo la xiriira la’aanta nabad iyo amni, qabyada adeegyada bulshada, iyo sidoo kale isku duwid iyo ka go’naan yari. Maadaama ay socdaan qorsheyaal lagu taageerayo barakacayaasha si waarta iyadoo lagu salaynayo doorashadooda oo ka baxsan gargaarka cuntada, ayaa deegaannada laga codsaday in ay gutaan mas’uuliyaddooda.

Dhanka kale, madaxda Guddiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka ee deegaannada ee ka qaybgalay madasha ayaa la wadaagay shaqooyinkii laga qabtay xalalka waara ee deegaannadooda iyo caqabadihii ay la kulmeen. Sidaas darteed, waxay sharxeen in kasta oo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in si waarta loo taageero dadka gudaha ku barakacay ee ku sugan deegaannada Canfarta, Amxaarada, Benshangul Gumuz, Bartamaha Itoobiya, iyo Harar, haddana arrimo la xiriira dhibaatooyin amni iyo xiriirka daciifka ah ee u dhexeeya deegaannada dartiis, aysan suurtagal noqonin in xal waara loo helo muwaadiniinta barakacay ee ku sugan meelo ka baxsan deegaannada ay maamulaan. Sidaas darteed, waxay adkeeyeen in la yeesho wadahadallo furan si loo abuuro is aaminaad u dhexaysa deegaannada ay dadku ka tageen iyo kuwa martigeliyay.
Dhankooda, wakiilada dadka gudaha ku barakacay ayaa sheegay in markii ay sanado badan ku nagaayeen xeryaha barakacayaasha iyo bulshada martigelisay iyagoon xal helin, ay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale, bulsho, iyo mid maskaxeed oo aad u daran. In kasta oo gargaarka bini’aadantinimada ee la siiyo barakacayaasha uu lagama maarmaan u yahay badbaadinta naftooda, waxay caddeeyeen in dookhooda koowaad uu yahay in dib u dejin waarta loo sameeyo, ay shaqeystaan, soo saaraan tabcooyin wax-soo-saar leh, islamarkaana ay isku filnaadaan, sidaas darteedna waxay dowladda ka codsadeen in ay u fududeyso xal waara.

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Dadka Gudaha Ku Barakacay, Qaxootiga, iyo Muhaajiriinta ee EHRC, Mihreteab Gebremeskel, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la isku afgarto wada-hadallada si loo xaqiijiyo xal waara oo ku salaysan xuquuqda aadanaha ee dadka gudaha ku barakacay. Isagoo raacinaya, wuxuu tilmaamay in dhanka EHRC laga sii wadi doono xoojinta wada-hadallada iyo madal-wadatashiyada noocan ah mustaqbalka, isaga oo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si habboon u gutaan mas’uuliyadahooda.