Koomishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC), iyadoo la raacayo awoodda sharciga ah ee lagu siiyay Dastuurka iyo baaqa aasaaskiisa, waa hay’ad qaran oo madax-bannaan oo dhex-dhexaad ah taas oo leh hawsha kormeerida xaaladaha xuquuqda insaanka, baaritaanka, bixinta talooyinka, iyo sameynta dadaallo lagu hubinayo in xuquuqda insaanka la dhawro.
Waxaa la wada ogyahay in EHRC ay si isdaba-joog ah u soo jeedisay talooyin ku xusan warbixinnadeeda xilliyeed iyo soo jeedinteeda si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Itoobiya, iyo in is-afgaranwaaga iyo kala duwanaanshaha lagu xalliyo hab sharci ah, nabad ah iyo wada-xaajood, ayna wadday dadaallo aan kala joogsi lahayn oo lagu hirgelinayo arrimahaas. Koomishanku wuxuu qabtay shaqooyin kala duwan isagoo aaminsan in xuquuqda insaanka la ilaalin karo lana ballaarin karo kaliya iyada oo si dhow loola shaqeynayo dawladda iyo daneeyayaasha kale (constructive engagement) iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Koomishanka; natiijooyin badan ayaa sidoo kale laga gaaray.
Sidaas darteed, iyadoo laga duulayo codsiga ay muwaadiniinta lagu eedeeyay isku dayga in ay xoog ku afgambiyaan nidaamka dastuuriga ah, falal argagixiso, iyo dambiyo kale oo culus oo maxkamaddu xukun ku riday, iyo sidoo kale kuwa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo dacwaddoodu socoto, ay u soo gudbiyeen Koomishanka si dawladda loogu gudbiyo si kiisaskooda loogu eego qaab gaar ah; iyo isku dubaridka dadaallada ay wadeen daneeyayaasha kala duwan, Koomishanku wuxuu arrintan u gudbiyay dawladda.
Iyadoo laga duulayo arrintan ay soo gudbiyeen koomishanka ee ku salaysan codsiga shakhsiyaadka dacwaduhu ku socdaan oo iskood u yimid, Ra’iisul Wasaaraha J.D.F.I., Mudane Dr. Abiy Ahmed, ayaa si togan u aqbalay arrinta la soo gudbiyay isagoo caddeeyay in dawladdiisu ay had iyo jeer ka go’an tahay in ay qaado tallaabooyin wax ka tara nabadda, is-afgaradka qaranka, iyo dhismaha nidaamka dimuqraadiyadda iyada oo la ixtiraamayo sarraynta sharciga. Wuxuu sidoo kale taageeray in EHRC ay sii xoojiso shaqooyinkii ay bilowday iyadoo la kaashanaysa dhinacyada ay khuseyso, wuxuuna jiho cad u jeediyay hay’adaha dawladda ee ay khuseyso in dawladdu ay si ficil ah u hirgeliso geeddi-socodkan nabad-dhisidda qaranka iyada oo la raacayo sharciga. Si la mid ah, madaxweyneyaasha deegaanada ayaa qaatay go’aamo iyo ballanqaadyo la mid ah oo ku saabsan arrimaha heer deegaan.
Sidaa darteed, go’aanka lagu sii daayay kuwa lagu xukumay dambiyada kala duwan iyadoo loo marayo habraaca sharciga iyo cafiska ee la dejiyay; joojinta dacwadaha eedeysanayaasha maxkamadayntu ku socoto iyadoo shuruudo lagu xirayo iyo sii deyntooda; soo celinta xuquuqdoodii xaddidneyd ee la xiriirtay geeddi-socodka maxkamadaynta iyadoo la raacayo sharciga iyo in ay ku noqdaan noloshooda nabdoon, waa mid EHRC ay bogaadinayso, waana mid ay tahay in la sii xoojiyo mustaqbalka.
EHRC waxay si ixtiraam leh u eegeysaa hawlaha kala duwan ee ay dawladdu qabatay si loo xoojiyo nabadda qaranka, is-afgaradka qaranka, iyo nidaamka dimuqraadiyadda: kuwaas oo kala ah, geeddi-socodka wada-hadalka qaranka, barnaamijyada hub ka dhigista iyo dhaqan-celinta (DDR), baaqyada nabadda ee laga sameeyay deegaanada, iyo wada-hadallada nabadda ee dadweynaha. Intaa waxaa dheer, iyadoo aqoonsanaysa dhammaan dhinacyadii wax ku oolka ah ka geystay geeddi-socodka dadaalkii uu koomishanku waday 5-tii bilood ee la soo dhaafay, waxay xaqiijinaysaa aaminaaddeeda ah in tallaabadan ay dawladdu qaadatay ee ku salaysan cafiska iyo habraaca sharciga ay si weyn uga qayb qaadanayso nabadda waarta, is-afgaradka qaranka, iyo dimuqraadiyadda. Koomishanku wuxuu sii wadi doonaa inuu si dhow u kormeero tallaabooyinkan togan iyo dadaallada ay dawladdu u qaadday xalalka dhisidda nabadda, wuxuuna gudan doonaa hawlaha gudbinta warbixinnada dabagalka si loo hubiyo in dhammaan geeddi-socodyada loo hirgeliyo hab xushmaynaya xuquuqda insaanka oo loo dhan yahay, taasoo gundhig adag u noqonaysa xaqiijinta nabad waarta, caddaalad, iyo la xisaabtan. Iyadoo aaminsan in nabad waarta ay asaas u tahay ixtiraamka dhammaystiran ee xuquuqda insaanka, Koomishanku wuxuu ku baaqayaa in la xoojiyo dadaallada, wuxuuna bogaadinayaa dadaalladii ilaa hadda la sameeyay.
Koomishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya wuxuu mar kale xaqiijinayaa in go’aanka dawladda ay ku aqbashay codsiga laguna sii daayay muwaadiniinta xabsiga, kaas oo ka dhashay dadaallada uu Koomishanka isku duway hay’adaha ay khuseyso, uu yahay mid leh ahmiyad weyn oo qaran, isla markaana ah tallaabo tusaale u noqon karta dunida inteeda kale.
Sida ku cad go’aanka dawladda, in ka badan 600 oo qof ayaa maanta xabsiga laga sii daayay. Koomishanku wuxuu jeclaan lahaa inuu caddeeyo inuu sii xoojin doono shaqooyinkan la midka ah dadaalkii weynaa ee geeddi-socodka lala soo maray. Koomishanku wuxuu u mahadcelinayaa mowqifka adag ee dawladdu qaadatay, iyo waliba muwaadiniinteenii xirnaa sida ay u muujiyeen diyaar-garowga guusha geeddi-socodka, iyo dhammaan dhinacyadii u istaagay waxtarka geeddi-socodka.
Muwaadiniinta maanta laga sii daayay xabsiyada waa in ay ku noqdaan deegaanadooda, kana qayb qaataan dhismaha nabadda iyo hawlaha horumarinta ee qaranka si sharci iyo nabad ah, iskana fogeeyaan falalka ka hor imaanaya nabadda, ayuu Koomishanku ku boorrinayaa. EHRC waxay ugu baaqaysaa hay’adaha maamulka dawladda ee heerar kala duwan ee maxalliga ah, ururrada bulshada rayidka ah, iyo ururrada kale ee aan dawliga ahayn ee ay khuseyso inay gacan ka geystaan dadaallada dib-u-dejinta loogu samaynayo muwaadiniinteenna la soo daayay si ay ugu soo noqdaan noloshoodii caadiga ahayd.
Munaasabaddan, EHRC waxay mar kale ku baaqaysaa in xoogagga aaminsan in dhibaatooyinka ka jira Itoobiya lagu xallin karo halgan hubaysan iyo xoog ay yimaadaan miiska nabadda iyo wada-hadalka.
Ugu dambayntii, Koomishanku wuxuu ka digayaa in xoogagga doonaya inay u adeegsadaan dadaallada iyo natiijooyinka ay gaareen dawladda iyo koomishanka ee ku aaddan sii deynta muwaadiniinteenna xirnaa, ajandayaal siyaasadeed oo aan habboonayn; iyo carqaladaynta nabadda iyo amniga, inay ka waantoobaan falalkooda.