Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) ayaa dabagal iyo qiimayn ku sameeyay hirgelinta talooyinkii hore looga bixiyay bixinta adeegga baxnaaninta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Deegaanka Koonfurta Itoobiya.
Guddoomiyaha Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo Waayeelka, Maxamed Axmed, ayaa magaalada Jinka kulan kula yeeshay Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Koonfurta Itoobiya, si loo qiimeeyo hirgelinta talooyinkii ka soo baxay dabagalkii xuquuqda aadanaha ee lagu sameeyay xaqa ay dadka baahiyaha gaarka ah qaba u leeyihiin helitaanka adeegga baxnaaninta.


Intaa waxaa dheer, waxay wadahadal la yeesheen maamulaha Xarunta Baxnaaninta Jireed ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Arba Minch, waxayna sidoo kale soo indha-indheeyeen xaaladda ay hadda ku sugan yihiin xarunta iyo warshadda soo saarta kuraasta taayirrada leh (wheelchair).
Booqashada iyo wadahadalka waxaa lagu ogaaday horumarro wanaagsan, kuwaas oo ay ka mid yihiin: in xaruntu bilowday soo saarista ulaha lagu tukubo iyo usha cad, in qaybta daaweynta carruurta cagaha qalloocan ku dhalata dib loo dayactiray oo ay shaqo bilowday, in dayactirka mashiinnada jimicsiga caafimaadka (physiotherapy) uu socdo, iyo in la bilaabay soo saarista boorsooyin, suumman iyo kabo.


Si kastaba ha ahaatee, waxaa caqabadaha ugu waaweyn loo aqoonsaday: in ay jirto yaraanta shaqaale xirfad leh maadaama aanay jirin hay’ad tacliin sare oo bixisa tababar la xiriira qaybtan, in tababarrada kor u qaadista xirfadda ay yar yihiin, iyo in adeegyadu ay ku urursan yihiin magaalooyinka oo keliya, taas oo ay muuqatay in ay dhibaato ku hayso muwaadiniinta ku nool miyiga.
Guud ahaan, waxaa la arkay in ay jiraan dulduleello ballaaran oo dhinaca siyaasadda (policy), maaliyadda, sahayda qalabka iyo helitaanka adeegga ah, kuwaas oo caqabad ku ah bixinta adeeg tayo leh oo la awoodi karo.

Guddoomiyaha Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo Waayeelka ee EHRC ayaa ugu baaqay hay’adaha dawladda ee ay khusayso, hay’adaha tacliinta sare iyo daneeyayaasha kale in ay sameeyaan dadaal isku duuban, si loo sii wado bilowga wanaagsan ee qaybtan ka muuqday, caqabadaha jirana si waarta wax looga qabto.
Waxay sidoo kale sheegeen in EHRC ay xoojin doonto shaqada u-doodista ee ay waddo, si loo helo miisaaniyad ku filan oo joogto ah, loo xoojiyo qaab-dhismeedka hay’adaha, loona ballaariyo jaamacadaha barnaamijyada waxbarasho ee suurtagelinaya soo saarista xirfadlayaal aqoon u leh qaybtan.