Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) oo kaashanaya Machadka Xuquuqul Insaanka ee Denmark iyo Isbahaysiga Ururrada Loo-shaqeeyayaasha ayaa 3-dii Hidaar 2019 T.I. ku qabtay xaruntooda dhexe ee Addis Ababa aqoon-isweydaarsi awood-dhis ah oo ku saabsan ganacsiga iyo xuquuqul insaanka. Aqoon-isweydaarsigan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la isugu keeno wakiillada bulshada ganacsiga ee Itoobiya si loo xoojiyo fahamkooda ku aaddan halbeegyada caalamiga ah ee ganacsiga iyo xuquuqul insaanka, isla markaana loo eego isbeddellada cusub ee sharci iyo kuwa kormeer ee khuseeya shirkadaha ka hawlgala Itoobiya. 

Furitaanka aqoon-isweydaarsiga, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Boqortooyada Denmark, Christian Westad, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda ee dhinaca ganacsiga iyo xuquuqul insaanka, iyo sidoo kale faa’iidada ay hay’adaha ganacsiga u leedahay ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo hirgelinta hab-dhaqan ganacsi oo taxaddar habboon u leh xuquuqul insaanka. Dhankiisa, Madaxweyne Ku-xigeenka Isbahaysiga Ururrada Loo-shaqeeyayaasha Itoobiya, Dr. Dawit Moges, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in hay’adaha ganacsigu ay yeeshaan aqoonta iyo xirfadaha shaqo si ay u xalliyaan arrimaha xuquuqul insaanka una bixiyaan jawaab wax ku ool ah oo ku aaddan mas’uuliyadaha iyo halbeegyada caalamiga ah ee isbeddelaya. 

Khubaro sare oo ka socota EHRC iyo Machadka Xuquuqul Insaanka ee Denmark ayaa soo bandhigay fikradaha iyo halbeegyada ugu muhiimsan ee ku saabsan ganacsiga iyo xuquuqul insaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mabaadi’da Hagista Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Xuquuqul Insaanka (UNGPs), Taxaddarka Habboon ee Xuquuqul Insaanka (Human Rights Due Diligence), iyo sidoo kale qaab-dhismeedyada sharci iyo kuwa kormeer ee ugu dambeeyay ee Midowga Yurub, gaar ahaan Tilmaamaha Taxaddarka Habboon ee Waaritaanka Shirkadaha (CSDDD), Xeerka Midowga Yurub ee Shaqada Qasabka ah, iyo Xeerka Ka-hortagga Xaalufinta Dhirta ee Midowga Yurub. 

Ka qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsigu waxay ka doodeen isbeddellada hadda ka socda Itoobiya ee ku saabsan ganacsiga iyo xuquuqul insaanka, iyo sidoo kale hawlaha ay EHRC ka waddo sidii loo hirgelin lahaa hab-dhaqan ganacsi oo taxaddar habboon u leh xuquuqul insaanka qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha. 

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Qaybaha Xuquuqul Insaanka ee EHRC, Hawi Asfaw, ayaa sheegtay in aqoon-isweydaarsigani uu qayb ka yahay dadaallada ay EHRC ku ballaarinayso hab-dhaqanka ganacsiga ee taxaddarka habboon u leh xuquuqul insaanka iyo iswaafajinta hababka qaranka iyo halbeegyada caalamiga ah. Waxay intaas ku dartay inay xaqiijinayso sida ay EHRC uga go’an tahay abuurista jawi ganacsi oo taxaddar habboon u leh xuquuqul insaanka isla markaana gacan ka geysta horumarka waara.