Komishineerka Guud ee Komishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC), Berhanu Adello, ayaa wada-hadal la yeeshay Safiirka Ireland u fadhiya Itoobiya, Ciaran Madden.

Intii uu wada-hadalku socday, waxay si ballaaran uga arrinsadeen xaaladda xuquuqda insaanka ee xilligan ka jirta Itoobiya, arrimaha walaaca leh iyo tallaabooyinka togan, iyo sidoo kale hawlaha kormeerka iyo baaritaannada ee uu Komishanku wado.
Isla munaasabaddan, waxay ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha dhowrista iyo fidinta xuquuqda insaanka ee uu qabto EHRC.


Iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka cusub ee heshiiska taageerada ee diiradda saaraya xoojinta ilaalinta xuquuqda insaanka, helitaanka caddaaladda, iyo isla xisaabtanka ee Itoobiya, taageeradu waxay xoogga saari doontaa kormeerka xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo (prison and detention monitoring), kormeerka hannaanka maxkamadeynta iyo baaritaannada nidaameed (trial monitoring and systemic investigations), fududeynta Qorshe-hawleedka Qaranka ee Xuquuqda Insaanka Itoobiya (TNHRAP), iyo hirgelinta gudaha dalka ee talooyinka Dib-u-eegista Caalamiga ah ee Xilliyeed (UPR).
Heshiiska iskaashiga kaddib, Komishineerka Guud Berhanu Adello ayaa xusay in Irish Aid ay horay muddo dheer gacan weyn ka geysatay dhismaha hay’adeed ee EHRC iyo guud ahaan hawlaha lagu wanaajinayo xuquuqda insaanka ee dalka, isagoo mahadcelin diirran u jeediyay dowladda iyo shacabka Ireland taageerada joogtada ah ee ay bixinayaan.


Intaa waxaa dheer, Komishanku wuxuu sheegay inuu bilaabay qorshe istiraatiiji ah oo cusub oo shan sano ah oo diiradda saaraya natiijooyinka, waxaana la tilmaamay in heshiiska iskaashiga ee cusub iyo barnaamijka taageerada ee ay labada dhinac kala saxiixdeen ay ujeeddadoodu tahay in si dheeraad ah loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda insaanka, helitaanka caddaaladda, nidaamka isla xisaabtanka, iyo sidoo kale hawlaha kormeerka, baaritaannada iyo kobcinta awoodda ee hay’adda.
Ugu dambayntii, labada dhinac waxay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay xoojiyaan oo ay sii wadaan wadashaqaynta ay bilaabeen si loo ilaaliyo xuquuqda insaanka loona fuliyo waajibaadka qaran ee xuquuqda insaanka.