Komishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa dood la yeeshay daneeyayaasha magaalada Bambasi bishii Miazia 29-keedii, 2018 T.I., taas oo ku saabsanayd natiijooyinka iyo tallooyinka ka soo baxay kormeerka xuquuqda insaanka ee laga sameeyay saldhigyada booliska ee deegaanka Benishangul-Gumuz.

Doodda waxa ka qayb galay wakiilo ka socday Guddiga Joogtada ah ee Maamulka Sharciga iyo Cadaaladda ee Golaha Deegaanka Benishangul-Gumuz, Komishanka Booliska Deegaanka, iyo wakiilo ka kala socday waaxaha booliska ee aagagga, degmooyinka, degmooyinka gaarka ah, iyo maamulada magaalooyinka kala duwan.

Intii dooddu socotay, waxaa la soo bandhigay oo laga wada hadlay arrimaha togan iyo kuwa laga dayrinayo ee ka soo baxay kormeeradii EHRC ku samaysay saldhigyada booliska, iyo sidoo kale tallooyinkii la bixiyay. Arrimaha togan ee doodda lagu soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa: isbeddelo wanaagsan oo laga sameeyay xarigga sifo sharci darro ah ah iyo xaddidaadda booqashooyinka qoyska; dayactirka xarumaha lagu hayo dadka iyo dhismayaal cusub oo lagu ballaarinayo oo meelaha qaar laga wado; iyo saldhigyo boolis oo qaar ah oo bilaabay in ay miisaaniyad cunto u qoondeeyaan dadka eedaysanayaasha ah ee xiran.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in ay jiraan arrimo walaac leh oo wali ka sii socda saldhigyada booliska qaarkood ee deegaanka kuwaas oo u baahan in wax laga qabto. Waxaana ka mid ah: in aan tillaabooyin maamul iyo mid sharci laga qaadin xubnaha booliska ah ee aan ixtiraamin xuquuqda eedaysanayaasha oo xadgudubyo geysta; dadka oo la iska xiro amar maxkamadeed la’aan; in aan maxkamad la horkeenin waqtiga sharcigu qabtay; xiritaano wadareed/qabqabasho sifo sharci darro ah; cariiriga qolalka dadka lagu hayo iyo dhibaatada helitaanka biyo nadiif ah oo la cabbo.

Ka qaybgalayaasha doodda ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si adag looga shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka walaaca leh ee wali sii socda, iyo in la xaqiijiyo in xaaladda guud ee habka loola dhaqmo eedaysanayaasha deegaanku ay noqoto mid ixtiraamta xuquuqda insaanka.

Agaasimaha Gobolka ee Waaxda Kormeerka iyo Baarista EHRC, Begashaw Eshetu, ayaa tilmaamay in hay’adaha boolisku ay saaran tahay mas’uuliyad weyn oo ku aaddan ixtiraamida, ilaalinta, iyo fulinta xuquuqda insaanka ee dadka xabsiga ku jira. Wuxuuna sheegay in dhammaan daneeyayaashu ay tahay inay si isku dubaridan u wada shaqeeyaan si loo xaqiijiyo in habka loola dhaqmo eedaysanayaasha deegaanka uu ixtiraamayo xuquuqda insaanka, oo ay ku jirto hirgelinta tallooyinka EHRC.