Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa si dhow ula socda khasaaraha ka dhashay dhul-go’a, dildilaaca dhulka iyo daadadka roobabka ee Megabit 1, 2018 T.I. ku Saameeyay 6 qabale oo kala duwan oo ka tirsan degmooyinka Gacho Baba, Bonke, Kamba Zuria iyo West Abaya ee aagga Gaamo, Deegaanka Koonfurta Itoobiya. Sidaa darteed, waxaa u suurtagashay inuu xaqiijiyo in khasaare lixaad leh uu gaaray nolosha dadka, badbaadada jirkooda iyo hantidooda. Ilaa iyo markii war-saxaafadeedkan la soo saarayay, waxaa la xaqiijiyay dhimashada 65 qof iyo helitaanka meydadkooda, halka 60 qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, waxaana la rumeysan yahay inay nolol ku waayeen musiibadaasi. Intaa waxaa dheer, EHRC ayaa xaqiijisay in 3,461 qof ay ka barakaceen guryahoodii, ayna wajahaan dhibaato bini’aadanimo oo aad u daran, iyo waliba in burbur xooggan uu gaaray hantida oo ay ku jiraan guryo iyo beero gebi ahaanba tirtirmay.

Waxaa la ogaaday in guddiga hawl-wadeennada maareynta khataraha musiibooyinka ee Deegaanka Koonfurta Itoobiya iyo aagga Gaamo ay dejiyeen jihooyin xal u helis ah, isla markaana ay sameeyeen guddiyo shaqadooda bilaabay si ay si degdeg ah u diyaariyaan agabka lagama maarmaanka u ah dib u dejinta barakacayaasha. EHRC waxay ku boorinaysaa in tallaabooyinkan wanaagsan ee ay wadaan maamulka deegaanka iyo aaggu in la xoojiyo; waxayna ugu baaqaysaa hay’adaha dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka, iyo sidoo kale ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba inay sameeyaan dadaal degdeg ah oo isku dubaridan si loo hubiyo in barakacayaashu helaan cunto degdeg ah, biyo, daryeel caafimaad, iyo gabbaad kumeel gaar ah oo aan dib u dhac lahayn, dib u dejinna loogu sameeyo dhibanayaasha.

Madaxa Guddiga (Chief Commissioner) ee EHRC, Berhaanu Adelo, ayaa muujiyay sida weyn ee uu uga xun yahay khasaaraha dhacay, waxaana uu ku adkeeyay in jawaab-celinta musiibadan ay noqoto mid ku saleysan xuquuqda insaanka, isku dubaridan, degdeg ah, isla markaana diiradda saarta baahiyaha kooxaha nugul ee bulshada sida haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah. Madaxa Guddiga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in si loo yareeyo khataraha ay musiibooyinka dabiiciga ah ee la midka ah keeni karaan mustaqbalka iyo in looga hortago inta aysan dhicinba, loo baahan yahay in si gaar ah xoogga loo saaro; wuxuuna xaqiijiyay in EHRC ay sii xoojin doonto la socodkeeda xaaladda, isla markaana ay talooyin faahfaahsan oo ku salaysan xogaha ay hesho u gudbin doonto hay’adaha ay khusayso.