Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa bishii Ginbot 13, 2018 T.I. magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay daneeyayaasha, kaas oo lagaga hadlayay natiijooyinkii kasoo baxay kormeerka xuquuqda insaanka ee lagu sameeyay 13 xarumood oo baxnaaninta ah iyo hay’ado caafimaad oo ku yaalla 4 deegaan iyo Maamulka Magaalada Addis Ababa, kaas oo ku saabsanaa xaqa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u leeyihiin inay helaan adeegga baxnaaninta iyo qalabka caawinta. Kormeerkan ayaa laga sameeyay xarumaha baxnaaninta, iyo sidoo kale isbitaallada tixraaca (referral hospitals) ee ku yaalla Maamulka Magaalada Addis Ababa, iyo deegaannada Axmaarada, Oromada, Koonfurta Itoobiya, iyo Tigray.

Kulanka waxaa ka qaybgalay madax iyo khubaro ka socotay wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Haweenka iyo Arrimaha Bulshada; hay’adaha caafimaadka, xarumaha baxnaaninta jidhka, xafiisyada caafimaadka ee deegaannada, ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo sidoo kale ururada kale ee dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.

Kulanka dhexdiisa, waxaa sharraxaad lagaga bixiyay nuxurka adeegga baxnaaninta iyo sidoo kale qaab-dhismeedka sharciga iyo siyaasadda ee caalamiga ah iyo kan qaranka ee khuseeya adeegga baxnaaninta. Intaas waxaa dheer, waxaa la soo bandhigay qodobbada togan iyo kuwa walaaca leh ee lagu ogaaday kormeerka xaaladda xuquuqda insaanka ee EHRC. Waxyaabaha togan ee la xusay waxaa ka mid ah: jiritaanka qaab-dhismeedyo sharci oo khuseeya adeegga baxnaaninta, bilaabista wax-soo-saarka gudaha ee qaar ka mid ah qalabka iyo agabka caawinta, in khubarada qaybtaas ay bixinayaan adeeg waafaqsan akhlaaqda shaqada, iyo in Adeegga Taageerada Addimada ee Itoobiya uu leeyahay sahay ka wanaagsan marka loo eego agabka caawinta.

Dhanka kale, waxaa arrimo walaac leh loo aqoonsaday: yaraanta hay’adaha bixiya adeegyada baxnaaninta iyo qalabka caawinta; gaari la’aanta meelaha miyiga ah ee fogfog ee ay adagtahay in la gaaro; la’aanta ba’an ee shaqaale aqoon u leh qaybtaan iyo in aan waxbarashada adeegga baxnaaninta laga bixin machadyada waxbarashada sare. Intaas waxaa dheer, yaraanta sahayda qalabka caawinta, teknoolojiyada, iyo mashiinnada; in qalabka iyo mashiinnada hadda shaqaynaya ay yihiin kuwo duugoobay oo xumaaday; in goobaha adeegga baxnaaninta aysan ahayn kuwo ku habboon; la’aanta adeeg baxnaaninta oo dhammaystiran (comprehensive) oo adeeg u fidiya dhammaan noocyada baahiyaha gaarka ah; la’aanta qaab-dhismeed siyaasadeed iyo qorshe-hawleed lagu maamulo qaybtaan iyo yaraanta ba’an ee miisaaniyadda ayaa ah arrimo u baahan in la horumariyo oo si weyn loo tilmaamay.

Kaqaytbgalayaasha kulanka ayaa codsaday, maadaama ay badan yihiin tirada dadka u baahan adeegga baxnaaninta, in hay’adaha bixiya adeeggan lagu qalabeeyo qalab iyo shaqaale ku filan, in qaybtaan lagu daro manhajka waxbarashada ee machadyada waxbarashada sare, in dawladdu ay dejiso siyaasadda adeegga baxnaaninta si ay fiiro gaar ah u siiso qaybtaan isla markaana ay ugu qoondeyso miisaaniyad ku filan, iyo inay si ballaaran u fuliso hawlaha wacyigelinta ah.

Wakiilka Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba iyo Waayeelka ee EHRC, Maxamed Axmed, ayaa sheegay in EHRC ay sii xoojin doonto hawlaheeda kormeerka iyo u-doodista si loo xaqiijiyo xaqa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u leeyihiin inay helaan adeegga baxnaaninta iyo qalabka caawinta. Waxa uu intaas ku daray, isagoo ku baaqay in la hirgeliyo talooyinka kasoo baxay natiijooyinka kormeerka, in la xalliyo yaraanta qalabka caawinta iyo shaqaalaha ee ka jirta qaybtaan, in la horumariyo heerka adeeg bixinta ee hay’adaha, iyo in dhammaan daneeyayaashu ay gacan ka geystaan sidii hay’aduhu u noqon lahaayeen kuwo la heli karo oo ay si wadajir ah u shaqeeyaan.