Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa qabtay madal wada-hadal magaalada Addis Ababa Juun 11, 2018 T.I., taas oo ku aaddan Maalinta Wacyigelinta Xadgudubyada Waayeelka Adduunka oo la xuso sanad walba Juun 8 (M.C.). Wada-hadalkan oo ay iska kaashadeen Ururka Qaranka ee Waayeelka iyo Hawlgabka Itoobiya, HelpAge Ethiopia, iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada; waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin dowladeed, wakiilo ka socda ururada waayeelka iyo u doodayaasha xuquuqda aadanaha.


Madasha dhexdeeda, waxaa lagu soo bandhigay faahfaahin ku saabsan dabagalka xuquuqda insaanka, waxbarashada iyo tababarka, iyo hawlaha kobcinta awoodda ee ay EHRC ka qabato dhinaca dhowrista xuquuqda waayeelka. Intaas waxaa dheer, caqabadaha ay dadka waayeelka ah la kulmaan noloshooda maalmeed, tusaale ahaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah oo ay ku jiraan caafimaadka iyo gaadiidka dadweynaha, iyo sidoo kale dakhligooda hawlgabka oo hooseeya marka loo eego sicir bararka dalka ka jira iyo xaaladda dhaqaale ee dhabta ah, taas oo dadka waayeelka ah ka dhigaysa kuwa ku tiirsan dad kale isla markaana u nugleeya xadgudubyo dhaqaale oo kala duwan, ayaa madasha lagu soo bandhigay lagana wada hadlay.



Si looga hortago lana ciribtiro xadgudubyada xuquuqda ee loo geysto dadka waayeelka ah, waxaa wada-hadalka lagu tilmaamay inay jiraan tillaabooyin muhiim ah oo ay tahay in dowladdu qaaddo, kuwaas oo kala ah: xoojinta ururada waayeelka ee heerar kala duwan; in dhammaan hay’adaha dowladda iyo bixiyeyaasha adeegga ay dejiyaan istaraatiijiyad loo dhan yahay oo salka ku haysa baahiyaha waayeelka; dejinta nidaamyo daryeel iyo taageero oo dheeri ah kuwaas oo yareynaya u-nuglaanshaha waayeelka ee dhibaatooyinka dhaqaale iyo bulsho; dejinta iyo dabagalka fulinta qaab-dhismeedyo sharci iyo siyaasadeed oo tixgelinaya xuquuqda waayeelka; ballaarinta hababka soo sheegidda xadgudubyada iyo bixinta jawaabaha; iyo in la qaado tillaabooyin wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo wacyiga bulshada.

Guddoomiyaha Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo Waayeelka ee EHRC, Maxamed Axmed, ayaa xusuusiyay u-nuglaanshaha waayeelka ee xadgudubyo kala duwan, isagoo sheegay in si looga hortago xadgudubyada loo geysto dadka waayeelka ah, in garab socota hawlaha ballaarinta wacyigelinta, loo baahan yahay in la dejiyo qaab-dhismeed sharci, siyaasadeed iyo hay’adeed oo bixiya jawaab dhab ah. Wuxuu intaas ku daray maadaama dadka waayeelka ah ay xaq u leeyihiin inay si siman ula faa’iidaystaan dadka kale horumarka dalka ka socda, in dowladdu ay leedahay mas’uuliyadda qaadista tillaabooyin lagu dhowrayo amniga bulsho iyo dhaqaale ee dadka waayeelka ah.