Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) oo kaashanaya Ururka Qaranka ee Indhoolayaasha Itoobiya iyo Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqda insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay wada-hadal ujeeddadiisu tahay fududeynta xaaladaha ay Itoobiya ku ansixinayso Hab-maamuuska Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda Insaanka iyo Shucuubta (Hab-maamuuska Afrika ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba) taariikhdu marka ay ahayd Juun 15, 2018 T.I. Kulanka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo khubaro ka kala socday Golaha Wakiillada Shacabka ee JDFI, Wasaaradda Caddaaladda, Machadka Sharciga iyo Caddaaladda ee Federaalka, Jaamacadda Addis Ababa, ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo daneeyayaal kale.


Intii uu wada-hadalku socday, waxaa si baahsan loo soo bandhigay nuxurka, ujeedooyinka iyo gacan-ka-geysashada Hab-maamuuska Afrika ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee ku aaddan dhowrista xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaa si faahfaahsan loo falanqeeyay xiriirka iyo farqiga u dhexeeya hab-maamuuskan iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba, iyo sidoo kale ilaalinta la siiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba marka loo eego xaaladda Itoobiya. Waxyaabaha gaarka ah iyo kuwa cusub ee uu hab-maamuuskan xambaarsan yahay waxaa ka mid ah: in la aqoonsaday in haweenka, dhalinyarada, carruurta iyo waayeelka baahiyaha gaarka ah qaba ay ku sugan yihiin xaalado u nugleeya xadgudubyada xuquuqda; in la dhisay qaab-dhismeed ballaaran oo difaac ah kaas qo gacan ka geysanaya ciribtirka midabtakoorka, weerarada iyo caadooyinka dib-u-dhaca ah sida faquuqidda bulshada ee lagula kaco dadka baahiyaha gaarka ah qaba; doorka ay maxkamadaha dhaqanku ku leeyihiin xuquuqda helidda caddaaladda; iyo sidoo kale in aqoonsi la siiyay luuqadda dhegoolaha ee calaamadaha (sign language) iyo aaminsanaanta iyo qiyamka guud ee la xiriira (deaf culture) oo ah doorashada koowaad ee xiriirka ee dadka maqalka la’. Intaas waxaa dheer, waxaa la sharrahay in hab-maamuusku aqoonsaday u-nuglaanshaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee saboolnimada iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee la xiriira, iyo muhiimadda ay leedahay adeegyada daryeelka iyo taageerada ee ku salaysan bulshada.


Kulanka waxaa kale oo lagu sheegay in hab-maamuuskani uu dhisayo qaab-dhismeed sharciyeed oo tixgelinaya xaaladaha dhabta ah ee qaaradda iyo dalkaba, uuna leeyahay muhiimad weyn maadaama uu xambaarsan yahay agab caawinaya xoojinta dadaallada lagu fulinayo xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Itoobiya, ka hortagga caadooyinka waxyeellada leh, iyo hagaajinta aragtida iyo hab-dhaqannada midabtakoorka ah. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in buuxinta waajibaadka ku xusan hab-maamuuskan iyo dabagalka fulintooda aysan u baahnayn in la aasaaso hay’ad fulineed oo cusub oo ka baxsan hay’adaha hadda jira.
Kaqaybgalayaasha wada-hadalka ayaa xusay in faa’iidada ay Itoobiya ku helayso ansixinta hab-maamuuskan ay tahay mid weyn, waxayna tilmaameen in si loo xoojiyo dhowrista xuquuqda aadanaha ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, loo hagaajiyo qaab-dhismeedka sharciga iyo siyaasadda, iyo in la dhiirrigeliyo horumarinta iyo ka-qaybgalka loo dhan yahay, in hab-maamuuska si degdeg ah loo ansixiyo.

Guddoomiyaha Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba iyo Waayeelka ee EHRC, Maxamed Axmed, ayaa sheegay in inkastoo ay jiraan qaab-dhismeedyo sharciyeed oo shaqaynaya, haddana ansixinta Hab-maamuuska Afrika ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ay awood dheeri ah u horseedi doonto dhowrista xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Wuxuu intaas ku daray in shaqada ansixinta heshiiska qaaradeed iyo fulintiisa ay u baahan tahay ka qaybgalka iyo go’aan qaadashada dhammaan daneeyayaasha, wuxuuna ku baaqay in la qaado tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu dhammaystirayo hannaanka bilowga ah si hab-maamuuska si degdeg ah loogu meelmariyo.
Hab-maamuuska Afrika ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba waxaa la ansixiyay Jannaayo 28, 2018 M.C. (Tir 20, 2010 T.I.); wuxuuna dhaqangalay laga bilaabo Luulyo 5, 2024 M.C. (Juun 28, 2016 T.I.) ka dib markii uu helay tirada dalalka saxiixay ee lagama maarmaanka u ah in heshiisku noqdo mid qasab ah oo ka hirgala dhammaan waddamada saxiixay. Heshiiska qaaradeed waxaa siddeeddii sano ee la soo dhaafay ansixiyay 17 waddan; hase yeeshee Itoobiya weli ma ansixin heshiiskan.