Waa in la xoojiyaa iskaashiga ururada bulshada rayidka ah si loo helo hannaan caddaaladda ku-meel-gaarka ah oo xuddun u ah dhibbanayaasha kuna salaysan xuquuqda insaanka
Si taageero wax-ku-ool ah loogu fidin karo geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo mabaadi'da aasaasiga ah iyo xaaladaha dhabta ah ee qaabaynaya habka fulinta
Si loogu hirgeliyo Itoobiya geedi-socod caddaaladeed oo kumeel-gaar ah oo waxtar leh, xudduntuna ay u yihiin dhibbanayaasha isla markaana dhowraya xuquuqda aadanaha; waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo dejinta siyaasado ku dhisan caddeymo iyo wadahadallo loo dhan yahay
Si Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ay si hufan ugu gudato mas'uuliyadda laga saaray geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah, dhisidda awoodda tababarayaasha xuquuqda insaanka iyo caddaaladda ku-meel-gaarka ah waa hawl aasaasi ah