Si looga hortago xadgudubyada loo geysto dadka waayeelka ah, garab socda hawlaha ballaarinta wacyigelinta, waxaa loo baahan yahay in la dejiyo qaab-dhismeed sharci, siyaasadeed iyo mid hay'adeed oo bixiya jawaab dhab ah
Ansixinta Hab-maamuuska Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Afrika waxay gacan ka geysanaysaa ciribtirka caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba
Hubinta helitaanka, joogitaanka, iyo tayada daryeelka caafimaadka dhimirka ayaa aasaas u ah ixtiraamka iyo ilaalinta xaqa caafimaad ee dadka qaba naafanimada maskaxda iyo bulshada
Si loogu heli karo adeegga baxnaaninta iyo qalabka caawinta ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo laguna ballaariyo hay'adaha jira
Waa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay iska kaashadaan xalinta caqabadaha soo wajaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo waayeelka inta ay isticmaalayaan adeegga gaadiidka dadweynaha, waana in la xaqiijiyo in adeeggan uu noqdo mid loo wada siman yahay
Si loo xalliyo caqabadaha soo wajaha geeddi-socodka fulinta adeegga Seeftee-naydka iyo in la xaqiijiyo xaqa ay waayeelku u leeyihiin helitaanka dammaanad bulsho oo dhammaystiran, waa in ay iskaashadaan daneeyayaashu
Waxaa loo baahan yahay qaab-dhismeed sharci oo adag si loo xaqiijiyo in la dhowro xuquuqda shaqada ee Dadka baahiyaha gaarka ah qaba