Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa bishii Megabit 29-keedii, 2018 T.I. magaalada Jigjiga wadatashi kula yeeshay daneeyayaasha. Wadatashigan ayaa ku saabsanaa natiijooyinka iyo talooyinka ka soo baxay kormeerka xuquuqul insaanka ee lagu sameeyay hirgelinta xaqa waxbarashada ee deegaanno xoolo-dhaqato ah oo laga soo xulay Deegaanka Soomaalida. Wadatashiga waxaa ka qaybgalay wakiilo ka kala socday Xafiiska Waxbarashada Deegaanka Soomaalida, Xafiiska Waraabka iyo Deegaannada Dhulka Hoose, Xafiiska Haweenka iyo Carruurta, Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka, iyo sidoo kale xafiisyada waxbarashada degmooyinka kala duwan.



Madasha, EHRC waxay ku soo bandhigtay natiijooyinkii laga helay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta xaqa waxbarashada ee deegaannada xoolo-dhaqatada, oo ay ku jirto ilaalinta uu siinayo sharciga caalamiga ah iyo kan qarankuba, waxaana laga yeeshay doodo ballaaran.
Intii wadatashigu socday, waxaa la caddeeyay inay lagama maarmaan tahay dib-u-dhiska iskuullada ay waxyeelladu ka soo gaartay dabaylaha xooggan iyo ballaarinta horumarinta kaabayaasha, iyo sidoo kale bixinta tababaro joogto ah si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta. Intaas waxaa dheer, waxaa la xoojiyay in la sameeyo xeelado waxbarasho oo la jaanqaadaya hab-nololeedka xoolo-dhaqatada, oo ay ku jirto ballaarinta iskuullada guurguura iyo kuwa hoyga leh (boarding).


Ka-qaybgalayaasha wadatashiga ayaa xusay in hay’adaha dowladda ee heerar kala duwan, ururada bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee ay khuseyso ay tahay inay si isku dubaridan u wada shaqeeyaan si xal waara loogu helo caqabadaha haysta xoolo-dhaqatada.
Madaxa Waaxda Xuquuqda Bulshada iyo Dhaqaalaha ee EHRC, Hawi Asfaw, ayaa sheegtay in si loo xaqiijiyo xaqa waxbarashada ee deegaannada xoolo-dhaqatada, ay muhiim tahay in lala jaanqaadsiiyo hab-nololeedka bulshada lana xaqiijiyo helitaankeeda. Waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha inay sameeyaan dadaal isku dhafan oo ay qaadaan tallaabooyin xal loogu helayo dhibaatooyinka kaabayaasha dhaqaalaha iyo caqabadaha kale.