Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa bilaabay Nidaamka La-socodka Xaaladda Taagan (Situation Room) ee loo diyaariyay doorashada 7-aad ee qaranka 14-kii Ginbood 2018 t.E. Barnaamijkan waxaa goobjoog ka ahaa komishonada, mas’uuliyiinta iyo khuburada EHRC, iyo sidoo kale wakiilo ka socday Ururka Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ – Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit).


Sida uu dhigayo mabaadi’da xeerka aasaaska ee wax laga beddelay, EHRC waxaa si cad loo siiyay mas’uuliyadda iyo awoodda ay ku dabagasho xaaladda dhowrista xuquuqda insaanka xilliyada doorashada, nidaamkan la-socodka xaaladdana waxaa lagu qalabeeyay xeelado iyo agab farsamo oo lagama maarmaan ah kuwaas oo gacan ka geysanaya la-socodka in hannaanka doorashadu u dhaco si ixtiraamysa xuquuqda insaanka.
Xarunta la-socodka xaaladda hannaanka doorashada waxaa xadhiga ka jaray Guddoomiyaha Guud ee EHRC Berhanu Adelo iyo Agaasimaha Ururka Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka (GIZ) ee Itoobiya iyo Jabuuti, Dorothee Hutter.




Waxaa la sharaxay in nidaamkan la-socodka xaaladuhu uu dedejin doono dadaallada xal u raadinta iyadoo macluumaadka ku saamban xadgudubyada xuquuqda insaanka iyo arrimaha khuseeya si dhakhso ah loogu soo gudbinayo xarunta dhexe. Tani waxay faa’iido u leedahay hubinta in hannaanka doorashadu u dhaco si ixtiraamysa xuquuqda insaanka si waafaqsan xeerarka, qawaaniinta iyo dardaanka khuseeya; si looga hortago nooc kasta oo xadgudubyo xuquuqda insaanka ah ka hor inta aysan dhicin iyo haddii ay dhacaanba, in la abuuro xaalado jawaab-celin degdeg ah lagu helayo iyadoo lala tashanayo dhinacyada ay khuseyso; iyo in waqtigeeda lagu fahmo lagu xalliyo xaaladaha amniga, dhibaatooyinka farsamo ama caqabadaha kale ee la xiriira doorashada ee saamaynta ku leh xuquuqda insaanka.

Agaasimaha Ururka Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka ee Itoobiya iyo Jabuuti, Dorothee Hutter, ayaa xustay in xoojinta hawlaha la-socodka xuquuqda insaanka ee EHRC ay tahay guul weyn, waxayna ku amaantay ahmiyadda gaarka ah ee la siiyay doorashada, iyadoo xaqiijisay in hay’addeedu ay sii wadi doonto xoojinta iskaashigan.

Guddoomiyaha Guud ee EHRC Berhanu Adelo ayaa sheegay in dadaalka loogu jiro hubinta in doorashadu noqoto mid dimuqraadi ah, loo dhan yahay, kuna dhisnaan ixtiraamka xuquuqda insaanka, nidaamka la-socodka xaaladda doorashada uu abuuri doono awood weyn isla markaana uu bixin doono macluumaad toos ah oo ka imaanaya goobaha ay ku sugan yihiin khuburada la-socodka ee la geeyay, taas oo gacan ka geysanaysa abuurista xaalad ku habboon goon-gadhista go’aamada. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Ururka Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka waxqabadkii uu ka geystay dhisidda awoodda farsamo ee noocan ah.