Komishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa dhageysi dadweyne ku qabtay Magaalada Hawaasa Abriil 28 iyo 29, 2026, taas oo qayb ka ah baaritaankeeda qaab-dhismeedka xuquuqda insaanka ee socda, kaas oo ku saabsan helitaanka waddooyinka iyo dhismooyinka ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Dhageysiga ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha saameeya helitaanka iyo adeegsiga waddooyinka, dhismooyinka, iyo adeegyada dadweynaha ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Tani waxay daba socotaa dhageysi dadweyne oo hore oo lagu qabtay Addis Ababa Diiseembar 26 iyo 27, 2024, kaas oo diiradda lagu saaray helitaanka dhismooyinka iyadoo ahayd qaybta hore ee baaritaanka ballaaran.
Intii uu socday dhageysiga dadweynaha, EHRC waxay diiwaangelisay in ka badan 70 cabasho oo kala duwan oo ka yimid 24 dhibane oo tirsanayay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadantinimada, kuwaas oo ka koobnaa 16 rag ah iyo 8 haween ah. Dhibanayaasha waxaa ka mid ahaa 7 qof oo qaba caqabadaha dhanka aragga, 15 qof oo qaba baahiyaha gaarka ah ee dhanka jirka, iyo 2 qof oo iyaguna baahiyaha gaarka ah u leh dhanka maqalka. Sagaal-iyo-toban dhibane ayaa si shakhsi ah u soo bandhigay dacwadahooda, mid ka mid ah ayaa si qarsoodi ah loo dhageystay, afar kalena waxaa matalayay dad kale
Dhageysiga dadweynaha ayaa daaha ka qaaday in adeegsiga iyo helitaanka waddooyinka iyo dhismooyinka ay weli tahay walaac xooggan oo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo haysata dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Itoobiya. Helitaan la’aantu waxay si weyn u xaddideysa awoodda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gudashada xuquuqdooda aasaasiga ah, oo ay ku jiraan xuquuqda caafimaadka, waxbarashada, shaqada, sinnaanta helitaanka adeegyada dadweynaha, xorriyadda dhaqdhaqaaqa, iyo xuquuqda ka qaybgalka nolosha dhaqanka. Waxay sidoo kale dadkan u soo bandhigtaa khataro muhiim ah oo saameeya badbaadadooda jireed, maskaxeed, dhaqaale iyo bulsho.
Baaritaanka nidaamka ee EHRC ayaa la bilaabay iyadoo laga jawaabayo dabeecadda qaab-dhismeedka, soo noqnoqoshada iyo baahsanaanta ee caqabadahan qaybaha kala duwan ee dalka. Baaritaanada nidaamka xuquuqda aadanaha waxay caawiyaan in la baaro hannaanka joogtada ah iyo isbeddellada xadgudubyada, halkii laga eegi lahaa dhacdooyin gooni ah, iyo sidoo kale sababaha aasaasiga ah ee qaab-dhismeedka u oggolaanaya xadgudubyada soo noqnoqda, ujeeddaduna tahay in la aqoonsado arrimaha baahsan laguna taliyo dib-u-habeyn mustaqbalka fog ah. Dhageysiyada dadweynaha ayaa qayb ka ah hannaankan iyagoo u oggolaanaya dhibanayaasha inay kiisaskooda si toos ah ugu hor bandhigaan hay’adaha mas’uulka ka ah iyo daneeyayaasha dowladda iyo kuwa aan dowladda ahayn ee ay khuseyso.
Dhibanayaasha markhaatiga furay intii uu socday dhageysiga ayaa ku tilmaamay waddooyinka iyo dhismooyinka aan la geli karin in ay yihiin caqabado waaweyn oo noloshooda maalmeed hortaagan, kuwaas oo ka hor istaagaya in ay si buuxda u gutaan xuquuqdooda aadanaha. Waxay muujiyeen caqabadaha hortaagan helitaanka adeegyada caafimaadka, waxbarashada, shaqada, iyo adeegyada dadweynaha, iyo sidoo kale khataro xagga badbaadada ah oo halis ah oo ka dhasha kaabayaasha dhaqaale ee aan la adeegsan karin. Walaac gaar ah ayaa laga muujiyay godadka bulaacadaha iyo biyo mareenada furan kuwaas oo looga tagay si daryeel la’aan ah iyada oo aan lahayn calaamado digniin ah ka dib shaqooyinkii kaabayaasha ee ay fuliyeen Ethio Telecom, Hay’adda Korontada Itoobiya, iyo hay’ado kale.
Dhibanayaasha ayaa sidoo kale soo wariyay in musqulaha iyo albaabada xarumaha caafimaadka ee aan loo dhisin hab ay dadka baahiyaha gaarka ah qaba isticmaali karaan ay aad ugu adkeyso inay raadsadaan daryeel caafimaad, iyaga oo ku qasbaya in ay dhibtoodaan xitaa xilliga jirada. Haweenka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa si gaar ah uga markhaati kacay dhibaatooyinka ay la kulmaan xilliga uurka iyo dhalmada, iyaga oo ku tilmaamay xaalado sharaf dhac ah xarumaha daryeelka caafimaadka halkaas oo aan la siin habab ama goobo ay awoodi karaan inay isticmaalaan.
Intaa waxaa dheer, dhismaha xarumaha waxbarashada ee aan habboonayn ayaa lagu sheegay in ay tahay caqabad weyn, oo u diidaysa dadka baahiyaha
gaarka ah qaba fursad ay ku horumariyaan naftooda dhanka waxbarashada oo ay si buuxda ugu qayb qaataan nolosha bulshada iyo dhaqaalaha. Goobaha shaqada ee aan la gali karin ayaa sidoo kale sii wada in ay dad badan oo baahiyaha gaarka ah qaba ka fogeeyaan shaqooyinka rasmiga ah, iyaga oo inta badan ku qasba shaqooyin aan rasmi ahayn, shaqo la’aan, ama in ay dad kale ku tiirsanaadaan. Dhibanayaasha ayaa sidoo kale qeexay sida hay’adaha dadweynaha ee aan la geli karin ay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ugu qasbaan in ay ku tiirsanaadaan taageerada dadka kale si ay u helaan adeegyada lagama maarmaanka ah sida bangiyada.
Wadar ahaan 23 hay’adood oo dacwado laga gudbiyay iyo sidoo kale daneeyayaasha dowladda ee ay khuseyso ayaa ka qayb qaatay dhageysiga dadweynaha iyaga oo ah jawaabayaal. Ka dib markhaatiyada, jawaabayaasha waxay qireen qaar badan oo ka mid ah cabashooyinka laga muujiyay hay’adahooda waxayna ballan qaadeen in ay sameyn doonaan isbedelada lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo helitaanka iyo isticmaalka waddooyinka iyo dhismooyinka ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Hay’adaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay iskaashi la sameyn doonaan ururada ay khuseyso ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo in ay xoojiyaan fulinta heerarka dhismaha. Maamulada mas’uulka ka ah oggolaanshaha dhismaha, shuruucda, iyo kormeerka ayaa iyaguna ballan qaaday in ay xoojinayaan hababka fulinta iyo kormeerka.
Waa in waddooyinka iyo dhismooyinka la naqshadeeyaa, la dhisaa, lana kormeeraa iyadoo si adag loo raacayo heerarka sharciga qaranka iyo kan caalamiga ah ka hor inta aysan bilaabin adeegga dadweynaha. Xarumaha caafimaadka, bangiyada, iskuulada, iyo xarumaha kale ee guud iyo kuwa gaarka ah ayaa looga baahan yahay in ay xaqiijiyaan in si buuxda loo heli karo ayna bixiyaan adeegyo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo si dhab ah loogu darayo ra’yigooda go’aamada la xiriira qaab-dhismeedka u sahlaya isticmaalka.
EHRC waxay si xooggan u adkeyneysaa baahida loo qabo in dhammaan hay’adaha jawaabayaasha ah ay si buuxda ugu hoggaansamaan talooyinka la soo saaray. Waxay sidoo kale ugu baaqeysaa maamulada oggolaanshaha
dhismaha iyo kormeerka inay si wax ku ool ah ula socdaan una xaqiijiyaan fulinta talooyinkan hay’adaha ay khuseyso.
Komiishaneerka Xuquuqda Madaniga, Siyaasadda iyo Dhaqan-Dhaqaalaha ee EHRC, Dr. Cabdi Jibriil, ayaa sheegay in malaayiin dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Itoobiya ay sii wadaan la kulanka xaqiiqada qallafsan ee dhismooyinka iyo waddooyinka aan la adeegsan karin, kuwaas oo lagama maarmaan u ah noloshooda maalmeed. Natiijadaas, ma awoodaan inay si buuxda ugu raaxaystaan xuquuqdooda caafimaad, waxbarasho, shaqo, helitaanka adeegyada dadweynaha oo siman, madax-bannaani, iyo sharaf maalin walba ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kaabayaasha lagu dhiso kharash aad u weyn waana in ay u wada furnaadaan dhammaan iyada oo aan la faquuqin. Dr. Cabdi wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay aqoonsiga hay’adaha dhisa dhismooyinka la geli karo wuxuuna u mahadceliyay dhibanayaasha soo bandhigida waayo-aragnimadooda nololeed si ay u iftiimiyaan dhibaatada, iyo sidoo kale hay’adaha jawaabayaasha ah ballan-qaadkooda ku aaddan inay qaadaan tallaabo sax ah ayna keenaan isbeddel macno leh.