Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa shaaciyay warbixintiisa 5-aad ee xaaladda xuquuqda insaanka ee Itoobiya, taasi oo daboolaysa muddadii u dhaxaysay Sene 2017 T.I. ilaa Sene 2018 T.I.
Warbixintu waxay ku salaysan tahay xogta iyo caddaymaha uu Guddigu ku soo ururiyay kormeerka iyo baadhista xuquuqda insaanka ee uu sameeyay muddadii warbixinta. Waxay tilmaamaysaa horumarada togan ee mudadaas la diwaan geliyay iyo arrimaha weli walaaca laga qabo, iyadoo la raaciyay talo-soo-jeedino.
Komishineerka Guud ee EHRC, Birhanu Adelo, ayaa warbaahinta u siiyay warbixin ku saabsan warbixintaas.