Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa heshiis is-afgarad oo gacan ka geysanaya xaqiijinta hannaan caddaaladda ku-meel-gaarka ah oo loo dhan yahay kuna salaysan xuquuqda insaanka la saxeexday Isbahaysiga Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah ee Itoobiya (Transitional Justice Consortium- Ethiopia) taariikhdu markay ahayd Sane 1, 2018 T.I. Heshiiskan waxaa saxeexay Madaxa Komishineerka Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya, Birhanu Adelo, iyo wakiilka isbahaysiga oo ah Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Is-beddelka Afrika, Muluken Getachew. Heshiiskani waxa uu si weyn uga qayb qaadan doonaa dadaallada EHRC ay si wada jir ah ula shaqaynayso hay’adda iyo daneeyayaasha kale si loo hirgeliyo caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee dhibbanayaasha xuddun u ah.

Isbahaysiga Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah ee Itoobiya oo ay aasaaseen afar urur oo ah ururada bulshada rayidka ah ee maxalliga ah, kuwaas oo kala ah: Xarunta Cilmi-baadhista Is-beddelka Afrika (African Center for Transitions Studies- ACT), Iskaashiga Horumarinta Xoolo-dhaqatada (Partnership for Pastorialists Development – PAPDA), Isbahaysiga Ururada Nabadda ee Bulshada Rayidka ah ee Itoobiya (Consortium for Ethiopian Civil Society Organizations of Peace – CESCOP), iyo Xarunta Dimoqraadiyadda ee Geeska Afrika (Horn Center for Democracy – HCD), ujeeddadiisu waa in uu awood u siiyo ururada bulshada rayidka ah ee maxalliga ah in ay si firfircoon oo midaysan uga qayb qaataan hannaanka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee Itoobiya.

Intii lagu guda jiray munaasabadda saxeexa, Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Is-beddelka Afrika, Muluken Getachew, oo matalayay isbahaysiga, ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradku uu door weyn ka ciyaari doono guusha dadaallada lagu doonayo in hannaanka caddaaladda ku-meel-gaarka ah laga dhigo mid loo dhan yahay. Wuxuu xaqiijiyay in ay si hufan ugu dadaali doonaan fulinta mashruuca khariidaynta iyo kala saarista ururada bulshada rayidka ah (CSO Mapping and categorization) ee loo oggolaaday isbahaysiga iyada oo la raacayo heshiiska is-afgaradka.

Madaxa Komishineerka EHRC, Birhanu Adelo, ayaa caddeeyay in heshiisku uu gacan wanaagsan ka geysan doono hirgelinta hannaan caddaaladda ku-meel-gaarka ah oo xuddun u ah dhibbanayaasha, loo dhan yahay, kuna salaysan xuquuqda insaanka ee Itoobiya. Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in EHRC ay taageeraysay hawlaha lagu xoojinayo dhisidda awoodda iyo ka qaybgalka la xidhiidha caddaaladda ku-meel-gaarka ah iyada oo la kaashanaysa ururada bulshada rayidka ah; wuxuuna xusay in iskaashigani uu sii adkayn doono wada-shaqaynta waarta ee ay la leeyihiin ururada bulshada rayidka ah.