Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya ayaa Kulan-cilmiyeed ku saabsan Kobcinta Wacyiga Dadweynaha ee la xiriira fikradaha Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah ku qabtay magaalada Addis Ababa, taariikhdu marka ay ahayd Horeeyey Ginbot 11 iyo 12, 2018 t.E. Intii uu kulan-cilmiyeedku socday, waxaa madasha lagu soo bandhigay, lagana yeeshadoodo ku saabsan: Siyaasadda Qaranka Itoobiya ee Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah, Tubta Toosan ee Caddaaladda Ku-meel-gaarka ah, bayaan-sharciyeedyada qabyada ah ee loo diyaariyey fulinta geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah, kaalinta ay hay’adaha caalamiga iyo kuwa qaranka ee xuquuqda aadanaha ku leeyihiin geeddi-socodkan, iyo waliba bandhigyo ku saabsan hawlaha uu Guddiga (EHRC) ka qabtay arrimahan.


Intii ay doodu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay tiirarka asaasiga ah ee caddaaladda ku-meel-gaarka ah, kuwaas oo kala ah isla-xisaabtanka, raadinta xaqiiqada (runta), magdhawga dhibanayaasha, iyo dib-u-habaynta hay’adaha, iyo weliba doorka ay ku leeyihiin sugidda caddaaladda, dib-u-heshiisiinta, iyo helitaanka nabad waarta. Intaas waxaa dheer, si geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ahi u noqdo mid miro-dhal ah oo la aamini karo, waxaa la xusay in habab fulineed oo cad, wada-shaqaynta hay’adaha, iyo joogitaanka hay’ado xooggan oo madax-bannaan ay udub-dhexaad u yihiin guusha geeddi-socodkan; sidoo kale waxaa la iftiimiyay in shuruucda qabyada ah loo baahan yahay in lagu saleeyo laguna waafajiyo shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, isla markaana la xoojiyo doorka kormeerka ee hay’adaha xuquuqda aadanaha qaranka ay ku leeyihiin nidaamkan.


Ka qaybgalayaasha aqoon-isweydaarsiga ayaa sheegay in madashani ay siisay fahan ballaaran oo ku saabsan geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee dalka Itoobiya, waxayna xuseen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo tababarrada wacyigelinta ee noocan ah si loo dhiso awood hay’adeed oo adag taasoo u gogol-xaareysa in si wax-ku-ool ah loo taageero geeddi-socodkan.
Guddiga EHRC ayaa ku dhawaaqay inuu sii wadi doono qabashada tababarrada wacyigelinta noocan ah si kor loogu qaado awoodda shaqaalihiisa, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay inuu si adag uga shaqayn doono sidii geeddi-socodka caddaaladda ku-meel-gaarka ah ee Itoobiya uu u noqon lahaa mid guulaysta, la aamini karo, saldhigna looga dhigo ilaalinta xuquuqda aadanaha.