Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay madal wacyigelin ah oo loo sameeyay shaqaalaha guddiga bishii Yekatit 20, 2018 T.I., taas oo ciwaankeedu ahaa “Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) iyo Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya: Fursadaha iyo Caqabadaha”. Ujeeddada madashan ayaa ah in wacyigelin laga abuuro saamaynta fiditaanka garaadka macmalka ah ee Itoobiya uu ku yeelan doono xuquuqda insaanka.

Madasha dhexdeeda, waxaa lagu soo bandhigay warbixino, waxaana laga yeeshay doodo ballaaran oo ku saabsan nuxurka garaadka macmalka ah, doorka togan iyo kan taban ee horumarka degdegga ah ee tignoolajiyada uu ku leeyahay xuquuqda aadanaha, dhinacyada xun-xun, iyo sidoo kale kaalinta uu ka qaato xushmeynta iyo dhowrista xuquuqda insaanka.

Intii ay doodu socotay, waxaa la sharraxay in garaadka macmalka ahi uu door muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo xoojinta ilaalinta xuquuqda insaanka ee dhammaystiran. Gaar ahaan, doorkiisa togan ee xagga bixinta xalal lagu caawinayo qaybaha bulshada ee nugul sida dadka naafada ah, waayeelka, haweenka, carruurta, soogalootiga, iyo qaxootiga, iyo sidoo kale kordhinta helitaanka xogta iyo adeegyada ayaa si ballaaran loo falanqeeyay iyadoo la tixraacayo khibradaha dalal kala duwan.

Dhinaca kale, waxaa si weyn walaac looga muujiyay in haddii garaadka macmalka ah aan loo adeegsan hannaan tixgelinaya mabaadi’da xuquuqda insaanka, uu leeyahay awood uu ku faafiyo takoor, weeciyo caddaaladda, isla markaana saamayn taban ku yeesho xushmeynta iyo dhowrista guud ee xuquuqda insaanka, oo ay ku jiraan ilaalinta xogta gaarka ah iyo xorriyadda ra’yiga.

La-taliyaha Sare ee Arrimaha Istaraatiijiyadda ee Guddoomiyaha Guud ee EHRC, Dr. Mizane Abate, ayaa sheegtay in si dhab ah loo fahmo saamaynta togan iyo tan taban ee garaadka macmalka ah uu ku leeyahay xuquuqda insaanka, loona xaqiijiyo in isticmaalkiisu uu dhawro xuquuqda insaanka, ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado awoodda khubarada Guddiga; sidoo kalena hab-dhaqanka hay’adda la waafajiyo xaaladdan cusub. Waxay kaloo intaas ku dartay in qorshaha istaraatiijiyadeed ee shanta sano ah ee EHRC (2026-2030), kaas oo ka kooban hawlaha guddigu ka fulin doono arrimaha garaadka macmalka ah, uu hadda ku jiro diyaarinta.