Komishineerka Guud ee Komishanka Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC), Berhanu Adello, ayaa wada-hadal midho-dhal ah oo ku saabsan hawlaha ilaalinta iyo fidinta xuquuqda insaanka la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Xuquuqda Insaanka, Ilze Brands Kehris, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Itoobiya, Sofie From-Emmesberger.




Intii uu wada-hadalku socday, waxaa si ballaaran looga arrinsaday hababka lagu sii xoojin karo hawlaha dhismaha hay’adeed ee uu EHRC bilaabay si heer qaran ah loogu dhowro loona fidiyo xuquuqda insaanka.
Komishineerka Guud Berhanu Adello ayaa Midowga uga mahadceliyay taageerada uu Komishanka ku siinayo hawlaha uu ka qabto ilaalinta iyo fidinta xuquuqda insaanka ee Itoobiya.




Wakiillada Midowga Yurub ayaa iyaguna muujiyay sida ay Midowga uga go’an tahay inuu kaalintiisa ka geysto taageero iyo iskaashi si guul leh loogu hirgeliyo qorshaha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee uu Komishanku diyaariyay.
Ka sokow kobcinta awoodda hay’adeed, waxay intii uu wada-hadalku socday isku weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha taagan iyo kuwa la xiriira, iyo sidoo kale mawduucyada walaaca leh ee dhinaca xuquuqda insaanka.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay mustaqbalkana sii xoojiyaan oo ay sii wadaan iskaashiga u dhexeeya ee ku saabsan ixtiraamka xuquuqda insaanka.