Isbahaysiga u dhexeeya EHRC iyo ururada bulshada rayidka waa in la xoojiyaa si loo horumariyo dhaqangelinta xuquuqda dadka gudaha ku barakacay, qaxootiga, iyo muhaajiriinta
Dib-u-dejinta waarta ee dadka gudaha ku barakacay si dammaanad qaadaysa nabadgelyadooda iyo sharaftooda bini'aadantinnimo waxay u baahan tahay isku duwidda iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ay khuseyso
Waxaa loo baahan yahay dadaal midaysan oo ka yimaada dhammaan daneeyayaasha si wax looga qabto caqabadaha haysta qaxootiga iyo si ay si dhab ah uga qayb-qaataan hannaanka go'aan-qaadashada
Qorshayaasha iyo fulinta xalka waara waa in ay ku salaysnaadaan rabitaanka, badbaadada, sharaf bini'aadamnimo, iyo ka qaybgal buuxa oo ay yeeshaan dadka ku barakacay gudaha dalka
Si loo xalliyo caqabadaha adag ee soo food saara qaxootiga, magangelyo-doonka, iyo dadka ku barakacay gudaha dalka (IDPs), waa in la bixiyo adeegyo gargaar sharci oo lacag la'aan ah oo ku dhisan xuquuqda insaanka
Waa In La Xaqiijiyo Ka Qaybgalka Barakacayaasha Gudaha Ee Geedi-socodka Caddaaladda Kumeelgaarka Ah Ee Qaranka Iyo Sidoo Kale Doorashada 7-aad Ee Dalka