Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) iyo Guddiga Xaqiiqo-raadinta iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (Guddiga Baaritaanka Xadgudubyada Xuquuqul Insaanka, Dib-u-heshiisiinta iyo Magdhowga Dhibbanayaasha) ayaa madal wada-tashi ah ku qabtay magaalada Jigjiga.
Komishaneerada Guddiga Xaqiiqo-raadinta iyo Dib-u-heshiisiinta ee Deegaanka Soomaalida, oo lagu aasaasay Xeerka Deegaanka Lr. 205/2014, ayaa la wadaagay hannaankooda shaqo, natiijooyinka ugu muhiimsan, guulaha la diiwaangeliyay, talooyinka, iyo sidoo kale caqabadaha ka hor yimid, xalalka la bixiyay, iyo guud ahaan khibradaha laga helay.

Dhankiisa, Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay hawlaha uu ka qabtay iyo kuwa uu haatan ka wado heer federaal iyo heer deegaan, isagoo ka duulaya mas’uuliyadda ka saaran hannaanka cadaaladda ku-meel-gaarka ah ee heer qaran.
Madashan oo ujeeddadeedu ahayd in lagu xiro daneeyayaasha heer deegaan iyo heer federaal si looga wada-tashado sidii hannaanka cadaaladda ku-meel-gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida loola jaanqaadsiin lahaa hannaanka heer qaran, waxaa ka soo qaybgalay Komishaneerka Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta isla markaana ah Iskuduwaha Cadaaladda Ku-meel-gaarka ah ee EHRC, Ashenefech Abebe, Komishaneerka Xuquuqda Dadka Naafada ah iyo Waayeelka, Maxamed Axmed, iyo khubaro kale.


Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in EHRC ay si dhow ula shaqeyn doonto guddiga deegaanka, daneeyayaasha federaalka ee ay khuseyso, ururrada dhibbanayaasha, iyo ururrada bulshada rayidka ah si khibradda deegaanka loogu adeegsado talo-bixin iyo wax-ku-biirin.
Madashu waxay ku soo gabagabowday iyadoo ka qaybgalayaashu ay ka wada-tashadeen siyaabaha lagu ballaarin karo khibradaha iyo billowga wanaagsan ee laga helay deegaanka, doorka daneeyayaasha, arrimaha u baahan in mudnaanta la siiyo mustaqbalka, iyo tallaabooyinka iskaashiga ee soo socda.