Guddiga Xuquuqda Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa kulan wacyigelin ah u qabtay ururada haweenka ee aan rasmiga ahayn ee ka shaqeeya xuquuqda haweenka bishii Sene 11 iyo 12 ee 2018 T.I. magaalada Addis Ababa. Doodan ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu dhiso awoodda ururada haweenka ee aan rasmiga ahayn si ay u awoodaan in ay shaqadooda u gutaan si waafaqsan mabaadi’da xuquuqda aadanaha.

Madasha waxaa ka soo qayb galay madaxda guddiyada iskaa wax u qabso ah oo ay aasaastay Ururka Haweenka Sharciyaqaannada Itoobiya ee heer aag iyo degmo; iyo ka qaybgalayaal ka kala yimid deegaannada Canfarta, Axmaarada, Benishangul Gumuz, Bartamaha Itoobiya, Oromada, Sidaama, Deegaanka Soomaalida, Koonfurta Itoobiya iyo Koonfur Galbeed Itoobiya.

Madasha gudaheeda waxaa lagu soo bandhigay oo laga wada hadlay qoraallo hordhac ah oo ku saabsan mawduucyada tacadiyada ku salaysan jinsiga iyo nuxurka xuquuqda aadanaha; habka loo qaabilo cabashooyinka ka yimaada qaybaha bulshada ee u nugul xadgudubyada; mabaadi’da aasaasiga ah ee habraaca baaritaanka, iyo sidoo kale xeeladaha wareysiga lala yeesho haweenka iyo carruurta ay soo gaareen xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo bixinta jawaabo tixgelinaya dhibaatooyinka cilmi-nafsiga; iyo sidoo kale arrimaha xoojinaya oo taageeraya hab-shaqeedka ururada.

Ka qaybgalayaasha ayaa la wadaagay tacadiyada ku salaysan jinsiga ee ka dhaca deegaannadooda iyo caqabadaha la soo darsa inta ay ku jiraan hawlahooda shaqo. Waxay sheegeen in la arkayo caqabado ay ka mid yihiin faragelinta odayaasha deegaanka, abaabul xumo dhinaca xogta ah iyo nusqaamo nidaamka shaqo ah, awood yari xagga qaabilaadda cabashooyinka la soo gudbiyo, iyo sidoo kale xaddidaad ku saabsan jawaabaha ay bixiyaan daneeyayaasha ay khusayso.

Wakiilka Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta ee EHRC Ashenefech Abebe; ayaa sheegtay in si loo bixiyo taageero sharci oo tayo leh, hufan, oo ay heli karaan qaybaha bulshada ee u nugul xadgudubyada, ay lagama maarmaan tahay in la ansixiyo oo la dhaqangeliyo qabyo-qoraalka xeerka loo diyaariyay fulinta istaraatiijiyada qaranka ee gargaarka sharciga ah ee bilaashka ah; waxayna mudalacday in taageerada sharciga ah ee ay bixiyaan ururada haweenka ee aan rasmiga ahayn ay tahay mid muhiim ah gaar ahaan ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta. Waxayna intaas ku dartay oo ay ku baaqday in adeegyadan si aad ah loo sii xoojiyo oo ay noqdaan kuwo salka ku haya xuquuqda aadanaha.