Xafiiska Hawaasa ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya (EHRC) ayaa wadahadal la yeeshay daneeyayaasha, kaas oo ku saabsanaa natiijooyinka kormeerka fulinta xuquuqul insaanka ee laga sameeyay 36 saldhig boolis iyo 3 xabsi oo ku yaalla Deegaanka Sidaama.

Komishaneerka Xuquuqda Dadka Naafada ah iyo Waayeelka ee EHRC, Maxamed Axmed, oo ka soo qaybgalay wadahadalka, ayaa sheegay in horumarrada laga gaaray deegaanka ee ku aaddan hirgelinta talooyinka guddiga ay yihiin kuwo dhiirrigelin leh.

Tusaale ahaan, wuxuu xusay in Taliska Guud ee Booliska Deegaanka Sidaama, isagoo ka duulaya natiijooyinkii kormeerka lagu ogaaday, uu 30-kii Tikimt 2019 T.I. jiho u siiyay afarta gobol iyo maamullada magaalooyinka in dhammaan saldhigyada booliska laga diyaariyo adeegga caafimaadka iyo cuntada, goobta ay ku sugnaadaan eedaysanayaasha, iyo sidoo kale goob gaar ah oo lagu hayo dhallinyarada eedaysanayaasha ah ee da’doodu ka yar tahay 18 sano, taas oo ah tallaabo dhiirrigelin leh.

Intaa waxaa dheer, dhammaan xafiisyada booliska ee uu guddigu kormeeray, inaan eedaysanayaasha si aan kala sooc lahayn loogu xirin takoorid ku salaysan qowmiyaddooda, jinsigooda, diintooda, aragtidooda siyaasadeed ama sababo la mid ah, in xogta gaarka ah ee dhammaan eedaysanayaasha lagu diiwaangeliyay diiwaanka weyn, iyo in la ogeysiiyay sababta loo xiray ayaa lagu sheegay dhinacyada wanaagsan.

Waxaa intaas sii dheer, inaan eedaysanayaasha loo geysan wax tacaddi jireed, mid maskaxeed ama mid nafsiyeed ah xilliga la qabanayo iyo inta ay xabsiga ku jiraanba, in xuquuqdooda booqashada la ixtiraamay iyadoo aan wax xaddidaad ama xayiraad ah la saarin si waafaqsan sharciga, iyo in haweenka eedaysanayaasha ah ay leeyihiin qolal lagu hayo oo ka go’an kuwa ragga, ayaa lagu tilmaamay waxqabad wanaagsan oo mudan in la sii xoojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Komishaneerku wuxuu ugu baaqay dowladda deegaanka inay qoondaysato miisaaniyad ku filan si loo hirgeliyo amarka uu bixiyay komishanka booliska deegaanku ee ku saabsan in cunto la siiyo eedaysanayaasha, in adeeg caafimaad loo fidiyo kuwa aan awoodin, in daryeelka lagama maarmaanka ah la siiyo dadka u baahan taageerada gaarka ah, iyo in la dhiso qol gaar ah oo lagu hayo dhallinyarada da’doodu ka yar tahay 18 sano, isla markaana ay taageerto dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda eedaysanayaasha.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Arrimaha Xafiisyada Magaalooyinka ee EHRC, Mudane Begashaw Eshetu, iyo Madaxa Xafiiska Hawaasa, Mudane Mate Magane, ayaa ugu baaqay daneeyayaasha inay fuliyaan talooyinka harsan ee guddiga si loo sii wanaajiyo xaaladda xuquuqul insaanka ee deegaanka.