Ansixinta Hab-maamuuska Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee Afrika waxay gacan ka geysanaysaa ciribtirka caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba
Xafiisyada arrimaha jinsiga ee laga aasaasay hay'adaha tacliinta sare waxay door weyn ku leeyihiin ka hortagga xadgudubyada ku salaysan jinsiga iyo xaqiijinta la-xisaabtanka
Tababarku wuxuu abuurayaa awood dheeri h oo u sahlaysa khubaradu inay si hufan u gutaan shaqadooda iyagoo kobcinaya aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka ah
Si dhibbanayaasha ay u helaan adeeg dhammaystiran ku saabsan xuquuqda, waxaa loo baahan yahay in la abuuro nidaam gudbin iyo isku xir oo rasmi ah oo isku dhafan kaas oo u dhexeeya hay'adaha bixiya adeegga
Isbahaysiga u dhexeeya EHRC iyo ururada bulshada rayidka waa in la xoojiyaa si loo horumariyo dhaqangelinta xuquuqda dadka gudaha ku barakacay, qaxootiga, iyo muhaajiriinta
Dib-u-dejinta waarta ee dadka gudaha ku barakacay si dammaanad qaadaysa nabadgelyadooda iyo sharaftooda bini'aadantinnimo waxay u baahan tahay isku duwidda iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada ay khuseyso
Waa in dowladda ay fiiro gaar ah siiso oo ay ka shaqeyso sidii loo horumarin lahaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee maxaabiista iyo eedeysanayaasha ee lagu arkay deegaanka
Falalka dhallinyarada qasabka loogu qorayo tababarrada ciidan ee ka baxsan rabitaankooda iyo xannibaadda xorriyadda hadalka ee deegaanka, kuwaas oo baalmarsan mabaadi'da xuquuqda insaanka iyo Dastuurka, waa in si degdeg ah loo joojiyaa
Dhammaan daneeyayaashu waa inay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa xaaladda ilaalinta xuquuqda aadanaha ee eedeysanayaasha iyo maxaabiista
Ayadoo la aasaasayo iskaashi hay'addeed oo xooggan iyo fulinta hawlo wacyigelineed oo joogto ah, waxaa suurtagal ah in la dhiso nidaam cadaaladeed oo madaxbannaan isla markaana leh isla-xisaabtan