Guddiga Xuquuqda Insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa madal wacyigelin ah oo ku saabsan ka qaybgalka ay tahay inay barakacayaasha guduhu ku yeeshaan Caddaaladda Kumeelgaarka ah ee Qaranka iyo Doorashada 7-aad ee dalka ku qabtay magaalada Bishoftu laga bilaabo 18-ka ilaa 20-ka Yekatit 2018 T.I. Madasha waxaa ka qaybgalay barakacayaal guduha ah oo laga soo xulay deegaannada Cafarta, Amxaarada, Benishangul-Gumuz, Bartamaha Itoobiya, Gambella, Herari, Oromiya, Soomaalida iyo deegaanka Tigray.

Madasha dhexdeeda waxaa lagu soo bandhigay sharraxaad ku saabsan qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo sharci ee khuseeya caddaaladda kumeelgaarka ah iyo doorashooyinka, xuquuqda ka qaybgalka ee barakacayaasha gudaha, caqabadaha la kulma inta lagu jiro hannaanka shaqada, dhaawacyada nafsiga ah iyo walbahaarka dadka soo gaara barakaca ka dib, iyo sidoo kale taageerada loo fidiyo barakacayaasha gudaha.

Ka qaybgalayaasha madasha ayaa la wadaagay waayo-aragnimadooda ku saabsan caqabadaha ay la kulmaan barakacayaasha guduhu xilliga ka qaybgalka caddaaladda kumeelgaarka ah iyo doorashada, waxayna xuseen in ka qaybgalkii barakacayaasha guduhu ku lahaayeen doorashadii 6-aad ee dalka iyo madalladii wadatashiga dadweynaha ee horay loogu qabtay arrimaha caddaaladda kumeelgaarka ah uusan ahayn mid ku filan. Waxay sheegeen in maadaama caddaaladda kumeelgaarka ahi ay door muhiim ah ka ciyaarto raadinta xal u helista xadgudubyada xuquuqda insaanka ee dhacay xilliga barakaca, ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo ka qaybgalka barakacayaasha ee madallada wadatashiga, loona baahan yahay in la sameeyo u diyaargarow munaasib ah si kor loogu qaado ka qaybgalkooda doorashada 7-aad ee dalka.

Intaas waxaa dheer, waxaa ka qaybgalayaasha loo soo bandhigay sharraxaad wacyigelin ah oo ku saabsan dhaawacyada nafsiga ah ee barakacayaasha gudaha la soo daristay xilligii barakaca iyo kuwa hadda haysta, iyo xeeladaha lagula tacaalo, ka qaybgalayaashuna waxay wadaageen waayo-aragnimadooda.

Madasha dhexdeeda waxaa lagu xusay in fahamka xaaladda barakacayaasha guduhu ay tahay arrinta koowaad ee ay tahay in diiradda la saaro, iyadoo dhinaca kalena la sheegay in dadka barakaca dhibbanaha u noqday ay dhex maraan xaalado adag ayna u nugul yihiin dhaawacyada nafsiga ah; sidaas darteedna taageerada bini’aadantinimo ee loo fidinayo barakacayaasha ay tahay in si habboon loogu daro taageerada nafsiga ah iyo tan bulshada, lana bixiyo xilliga ku habboon.

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Barakacayaasha Gudaha, Qaxootiga iyo Tahriibayaasha ee EHRC, Mihreteab Gebremeskel, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xaqiijiyo ka qaybgalka barakacayaasha gudaha ee tallaabooyinka loo qaadayo sugidda sarreeynta sharciga iyo dimuqraadiyadda dalka, wuxuuna ku adkeeyey barakacayaasha laftooda inay kor u qaadaan wacyigooda ku saabsan doorka ay tahay inay ku lahaadaan geedi-socodyadaas. Waxa uu intaa ku daray in EHRC ay si adag uga shaqayn doonto sidii arrinta barakacayaasha gudaha loo siin lahaa dareen gaar ah, loona xaqiijin lahaa ka qaybgalkooda geedi-socodka caddaaladda kumeelgaarka ah iyo doorashada 7-aad ee dalka.